Madaxweynaha Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta oo Sabti ah furay shirweynaha haweenka Puntland, kaas oo saddex maalmood ka socon doona magaalada Garowe.
Shirka, oo ay qabanqaabisay Wasaaradda Haweenka Puntland, ayaa looga hadli doonaa lix qodob oo weyn kuwaas oo ay ka mid yihiin kaalinta hoggaaminta ee dumarka, ka qeybgalka hannaanka dowladda iyo adeegyada bulshada.
Shirka waxaa ka qeybgalaya qeybaha bulshada, uruurada maxalliga, hay’adaha caalamiga iyo laamaha dowladda Puntland.

