Xukuumadda Puntland iyo ganacsatada magaalada Boosaaso ayaa heshiis ka gaaray khilaafkii canshuuraha ee sababay xirnaanshaha dekedda Boosaaso iyo inta badan ganacsiyada magaalada muddo ku dhow saddex toddobaad.
Labada dhinac ayaa maanta sheegay inay sameeyeen tanaasul si loo soo afjaro muranka.
Dowladda Puntland ayaa sheegtay inay hoos u dhigtay khidmadda dekedda ee ay maamusho shirkadda laga leeyahay UAE ee DP World, iyadoo halkii tan (MT) ee markii hore laga qaadi jiray lacag dhan siddeed doolar laga dhigay dhan doolar.
Sidoo kale, dowladda ayaa sheegtay inay dhimi doonto canshuuraha laga qaado qaar ka mid ah badeecadaha daruuriga ah.
Heshiiska ayaa horseeday in isla maanta dib loo furo dekedda Boosaaso iyo suuqyadii magaalada oo muddo xidhnaa.
Si kastaba ha ahaatee, waxaa weli taagan su’aasha ah in ganacsatadu hoos u dhigi doonaan qiimaha badeecadaha oo sare u kacay intii uu socday khilaafka.
Dalladda Bulshada Rayidka ee Puntland (PUNSAA) ayaa soo dhoweysay is-afgaradka ay gaareen dowladda iyo ganacsatada, iyadoo ku baaqday in aan shacabka lagu sii kordhin culayska maciishadda.
“PUNSAA waxay ugu baaqaysaa Dowladda iyo Ganacsatada inay mudnaan siiyaan taageerada bulshada nugul si loo yareeyo saameynta dhaqaale ee soo wajahday,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeed ay dalladdu soo saartay.
“Sidoo kale, PUNSAA waxay adkaynaysaa in qiimaha badeecaduhu noqdaan kuwo la awoodi karo, gaar ahaan xilligan adag ee ay soo noqnoqdeen abaaruhu, kuwaas oo saameyn taban ku yeeshay bulshada reer miyiga,” ayaa lagu daray war-saxaafadeedka.
Xirnaanshihii dekedda Boosaaso iyo ganacsiyada magaalada ayaa sababay sare u kac ku yimid qiimaha maciishadda, maadaama Boosaaso ay tahay xarunta ganacsiga Puntland, isla markaana ay si weyn ugu tiirsan tahay dekedda ku taalla xeebta Gacanka Cadmeed ee waqooyi-bari Soomaaliya.
Ganacsatada ayaa ku dooday in dowladda ay kusoo rogtay canshuuro dheeraad ah oo aanay awoodin inay qaadaan, iyagoo sheegay in culayskaas ugu dambayn uu ku dhacayo shacabka oo aan awood u lahayn inay bixiyaan qiimaha sii kordhaya ee badeecadaha.
PUNSAA ayaa ugu dambayn ku baaqday in dowladda iyo ganacsatadu xoojiyaan wada-shaqeynta iyo is-aaminaadda, iyadoo sheegtay in iskaashiga labada dhinac uu laf-dhabar u yahay horumarinta dhaqaalaha, joogtaynta adeegyada bulshada, iyo ilaalinta xasilloonida suuqa.

