Taageerayaal kumannaan ah ayaa safaf dhaadheer galay bannaanka garoonka New York-New Jersey Stadium ka hor ciyaarta finalka Koobka Adduunka 2026, kaddib markii la adkeeyay tallaabooyinka amniga sababo la xiriira imaanshaha Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump.
Garoonka oo qaada 82,500 qof ayaa si buuxda u camirmay, iyadoo taageerayaashu u soo daateen inay daawadaan kulanka weyn ee u dhexeeya Spain iyo Argentina, kaasoo bilaabmay 3:00 galabnimo waqtiga maxalliga ah oo ku beegan 10:00pm waqtiga Geeska Afrika.
Amniga ayaa si gaar ah loo xoojiyay maadaama Madaxweyne Trump uu ka qeyb galay finalka, waana ciyaarta kaliya ee Koobka Adduunka uu si toos ah garoonka uga daawanayo.
Trump ayaa horey u muujiyay taageero uu u hayo xulka Argentina, gaar ahaan xiddiga Lionel Messi.
Ciidamada Ilaalada Madaxweynaha Mareykanka ee Secret Service ayaa la wareegay maamulka ammaanka ciyaarta, iyagoo kaashanaya hay’adda Transportation Security Administration (TSA) oo inta badan qaabilsan ammaanka garoomada diyaaradaha.

Tallaabooyinka dheeraadka ah ee ammaanka ayaa sababay dib u dhac weyn, iyadoo taageerayaal badan ay ku qasbanaadeen inay ku sugnaadaan safafka muddo ku dhow laba saacadood ka hor inta aysan gudaha u gelin garoonka.
Taageerayaasha iyo wariyeyaasha ayaa maray baaritaanno u eg kuwa garoomada diyaaradaha, oo ay ka mid yihiin qalabka baaritaanka iyo hubinta boorsooyinka.
Si kastaba, markii ay taageerayaashu gaareen albaabbada laga galo garoonka, inta badan waxay si caadi ah ugu gudbeen gudaha iyagoo adeegsanaya tigidhadooda, mana jirin dhibaatooyin waaweyn oo la soo sheegay.

Shaqaalaha iskaa wax u qabso ee Koobka Adduunka ayaa sheegay in tirada taageerayaasha soo hormaray garoonka ay aad uga badneyd kuwii yimid toddobadii kulan ee hore ee lagu qabtay isla garoonka.
Albaabada garoonka ayaa la furay 11:00 subaxnimo waqtiga maxalliga ah, afar saacadood ka hor bilowga ciyaarta, waxaana si tartiib tartiib ah loo furay albaabo dheeraad ah si loo yareeyo ciriiriga.
Mid ka mid ah wariyeyaasha ayaa sheegay in markii uu gaaray meel laga galo garoonka loo diray saf kale, kadib markii lagu wargeliyay in goobtaas aysan joogin eeyo ammaanka loo adeegsado baaritaanka boorsooyinka.
Mas’uuliyiinta ayaa sheegay in dib u dhacyada amniga aysan saameyn ku yeelan doonin waqtiga bilowga ciyaarta, iyadoo Spain iyo Argentina ay ku dagaallamayaan koobka ugu weyn kubadda cagta adduunka, hortiisa garoon si buuxda u buuxsamay.

Spain iyo Argentina oo ku dagaallamaya Finalka Koobka Adduunka
Xulka Spain iyo Argentina ayaa isku haya finalka Koobka Adduunka 2026, iyadoo labada kooxood ay u dagaallamayaan hanashada koobka ugu weyn kubadda cagta adduunka.

Finalkan ayaa ah mid si weyn loo sugayo, maadaama uu isku keenayo labo awoodood oo kubadda cagta caalamka ah.
Argentina, oo ah horyaalka difaacanaya, ayaa dooneysa inay sii waddo awooddeeda caalamiga ah, halka Spain ay raadineyso inay mar kale kor u qaaddo koobka kadib guulo ay horey uga gaartay tartamada waaweyn.


