Wada hadalka Xasan Sheekh iyo mucaaradka Soomaaliya

|

Waxaa maanta magaalada Muqdisho dib uga billowday wada-hadallada u dhexeeya Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo hoggaamiyeyaasha mucaaradka, kuwaas oo lagu doonayo in xal looga gaaro khilaafka siyaasadeed ee ka dhashay hannaanka doorashooyinka iyo muddada dowladda.

Wada-hadalladan waxaa dhexdhexaadinaya saaxiibada caalamka, gaar ahaan Boqortooyada Ingiriiska (UK), Midowga Yurub (EU), Qaramada Midoobay (UN), Dowladda Mareykanka (US), iyo Dowladda Turkiga.

Dhinacyadu waxay ka arrinsanayaan sidii heshiis looga gaari lahaa muranka siyaasadeed ee hareeyay doorashooyinka iyo maamulka xilliga kala guurka.

Khilaafka doorashooyinka ayaa bishii Juun isku beddelay iska horimaad hubeysan oo ka dhacay Muqdisho, kaas oo sababay dhimasho iyo dhaawac soo gaaray dad rayid ah iyo ciidamada ammaanka.

Inkastoo dagaalladii ay joogsadeen, haddana xiisadda siyaasadeed iyo tan amni ayaa weli ka taagan caasimadda.

Si kastaba ha ahaatee, ilo ku dhow wada-hadallada ayaa sheegaya in rajada laga qabo in si degdeg ah heshiis loo gaaro ay weli tahay mid kooban, maadaama ay jiraan is-afgaranwaa ku saabsan qodobbada muhiimka ah.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News