Andy Burnham ayaa maanta si rasmi ah ula wareegay xilka Ra’iisul Wasaaraha Boqortooyada Ingiriiska (UK), isagoo beddelay Keir Starmer oo iska casilay hoggaanka dowladda.
Burnham, oo hore u ahaa Duqa Magaalada Greater Manchester isla markaana ka tirsan Xisbiga Labour, ayaa sheegay in mudnaanta koowaad ee xukuumaddiisu ay noqon doonto wax ka qabashada sicir-bararka, dib-u-habaynta adeegyada dadweynaha, kobcinta dhaqaalaha, iyo xasillinta siyaasadda dalka.
Markii uu khudbaddiisii ugu horreysay ka jeediyay afaafka xafiiska Number 10 Downing Street, Burnham wuxuu ballan qaaday inuu hirgelin doono qorshe muddo 10 sano ah oo uu ku sheegay inuu dib u habayn ku samayn doono siyaasadda iyo dhaqaalaha Britain.
Maxaa sababay iscasilaadda Keir Starmer?
Keir Starmer ayaa iska casilay xilka Ra’iisul Wasaaraha UK iyo hoggaanka Xisbiga Labour Party kadib cadaadis siyaasadeed oo xooggan oo uga yimid gudaha xisbiga iyo shacabka.
Starmer ayaa xilka hayey labo sano oo kaliya.
Starmer ayaa Labour ku hoggaamiyay guul weyn doorashadii guud ee 2024, isagoo helay aqlabiyad baarlamaan, balse taageeradiisa ayaa hoos u dhacday sababo ay ka mid yihiin dhibaatooyinka dhaqaale sida qiimaha nolosha oo sare u kacay iyo cadaadiska saaran qoysaska, niyad-jabka shacabka oo ku saabsan in ballanqaadyadii isbeddelka aan si degdeg ah loo arkin, khilaafaad gudaha Xisbiga Labour ah oo ku saabsan jihada dowladda iyo hoos u dhac taageero oo ka muuqday doorashooyinka maxalliga ah iyo codbixinta shacabka.
Xisbiga Labour ayaa xubnihiisu waxay muddo ku cadaadinayeen Raisul Wasaare Starmer inuu iscasilo.
Starmer ayaa iscasilaaddiisa u gudbiyay Boqor Charles III, kaas oo aqbalay, taasoo furtay waddada hoggaamiye cusub oo Labour ah.

Durb ra’isul wasaaraha cusub ayaa billaabay dhismaha xukuumaddiisa.
Sidoo kale, wuxuu ku dhawaaqay inuu doonayo in awood dheeraad ah loo wareejiyo gobollada UK, isagoo ku saleynaya khibraddiisa hoggaamineed ee Greater Manchester.
Sidee Andy Burnham ku noqday Ra’iisul Wasaaraha UK?
Andy Burnham kuma uusan imaan doorasho ka dhacday UK.
Inkastoo mucaaradka ay ku baaqeen in la qabto doorasho guud, haddana taasi ma ay dhicin.
Nidaamka siyaasadeed ee UK wuxuu oggol yahay in xisbiga talada haya uu beddelo hoggaamiyihiisa, markaa qofka cusub ee noqda hoggaamiyaha xisbiga talada haya wuxuu rasmi ahaan noqonayaa Ra’iisul Wasaare haddii uu haysto taageerada aqlabiyadda baarlamaanka.
Andy Burnham oo 56 jir ah ayaa heley aqbaliyadda baarlamaanka oo aan diidin inuu dalka hoggaamiyo.
Dabcan Burnham ma ahan nin ku cusub siyaasadda.
Wuxuu soo noqday Duqa Greater Manchester isla markaana hore u soo noqday wasiir ka tirsan dowladdii Labour iyo xildhibaan hore.
Waa nin codkaar ah oo dhanka waqooyi ee dalka kasoo jeeda, aadna uga hadla xaaladaha nololeed ee dadka iyo maamul daadejinta.
Maxaa horyaalla Andy Burnham?
Ra’iisul Wasaaraha cusub wuxuu wajahayaa caqabado waaweyn. Waxaana laga sugayaa inuu wax ka qabto arrimaha ay ka midka yihiin inuu hoos u dhigo qiimaha nolosha oo aad qaali u noqday sanadahan dambe.
Waxaa kaloo laga filayaa inuu soo celiyo dhaqaalaha liita ee UK oo tan iyo 2019 hoos u socday ka dib ka bixitaankii Yurub.
Sidoo kale, waxay tahay inuu dib u habeeyo adeegyada caafimaadka iyo guryaha oo dadku ay dhib badan ku qabaan, iyo wax ka qabashada dhibaatada hoy la’aanta.
Mid kale oo caqabadaha ka mid ah ayaa ah inuu mideeyo Xisbiga Labour kadib kala qaybsanaantii hoggaanka, iyo inuu abuuro kalsooni shacabka ka hor doorashada guud ee xigta.
UK waxay xiriir dhow la leedahay Yurub iyo Mareykanka, hase ahaatee ma ahan caqabad la’aan, waxaana Andy Burnham u yaalla siduu isugu wadi lahaa danaha Ingiriiska, Mareykanka iyo Yurub, iyo sidoo kale taageerada UK ay siiso Ukraine oo ku jirta dagaal ay kula jirto Ruushka.

