Xisbiga mucaaradka Somaliland ee Kaah ayaa maanta doortay xubnaha hoggaanka cusub ee Golaha Dhexe ee xisbiga, kaddib shirweyne lagu qabtay magaalada Hargeysa.
Sucaad Carmiye, oo ah haweeney u dhaqdhaqaaqda arrimaha haweenka, ayaa ka mid noqotay hoggaanka cusub ee xisbiga, iyadoo loo doortay Guddoomiye Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda iyo Qurbejoogta ee Xisbiga Kaah.
Doorashadan ayaa ku soo beegmaysa xilli xisbiyada siyaasadeed ee Somaliland ay dib u habeyn ku sameynayaan hoggaamiyeyaashooda iyo qaab-dhismeedkooda gudaha.

