SO | EN

SO | EN

Natiijo laga gaaray khilaafka ‘’Doorashada’’ Puntland

|

Garoowe (KAAB ) Wada- hadalo  lagu doonayay in lagu dhameeyo xiisada doorashada ee deegaanada maamulka Puntland ayaa wax xooga ah horumar laga gaaray ka dib rashado dad badan ay ku dhinteen oo ka dhacay magaalada Garoowe.

Maalmihii la sood dhaafay waxaa soconayay qorshe lagu doonayo in meesha laga saaro wax kasta oo salka ku hayay doorashada Puntland oo ka taagnayd xaalad hubinti la’aan ah.

Dhinaca kale siyaasiyiinta mucaaradka ayaa mabda’ ahaan aqbalsan in ay si nabdoon ku qabsoonto doorashada qof iyo cod islamarkaana ay ciidamada ka saaraan magaalada.

Dhinacyada  ayaa la sheegay in  ay isku raaceen in doorashadu si nabad ah u dhacdo. Doorashada kadibna la isugu yimaado shir guud oo looga tashanayo doorashada madaxweynaha  ee 2024.

Xafiiska xeer ilaalinta Puntland ayaa sidoo kale la laabtay dacwad soo xiritaan ah oo ka dhan ahayd afar siyaasi oo lagu eedeeyay inay masuul ka ahaayeen rabshadii dhawaan ka dhacday garoonka diyaaradaha Garowe.

Waxaa xusid mudan in aysan weli fulin qodobada lagu xallinayo xiisadda taagan waxaase lagu wadaa in ugu danbayn maanta lagu guulaysto hawshaas.

Illaa todobo urur siyaasadeed ayaa doorashooyinkan ku tartamidoona, kuwaas oo soo sharraxay xildhibaanadooda heer degaan.

 

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News