Muqdisho (KAAB) Maanta oo Arbaca ah waxa magaalada Muqdisho ka furmay shirka madasha wadatashiga Qaran oo ay ka maqan tahay maamul goboleedka Puntland.
Shirka waxaa shir guddoominaya Madaxwaynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud waxaana ku sugan inta badan madaxda maamulada.
Waxaana goobjoog ah madasha madaxweynayaasha Jubbaland Axmed Madoobe, Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta Gareen, HirShabelle Cali Guudlaawe, Galmudug Axmed Qoor Qoor iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir Yuusuf Madaale.
Shirkan ayaa looga hadlayaa Xaaladda Amniga dalka gaar ahaan wajiga labaad ee Howlgalada lagu dagaalamayo Alshabaab Dhameystirka Arrimaha Deyn cafinta iyo Dhaqangelinta heshiisyadii horey ay u gaareen Golaha Wadatashiga Qaran.
Shirkan maanta furmay waxaa markii labaad ka maqan madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo hore u diiday ka qeyb galka shirka wadatashiga, waxa uuna Deni xiriirka u jaray dowladda uu hoggaamiyo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.