Maamulaha xarunta tababarka macallimiinta Hirshabeelle oo lagu afduubtay duleedka Beledweyne

|

Wararka ka imanaya magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in maanta la waayay Ustaad Xasan Shanlo, oo lagu tilmaamay inuu yahay maamulihii hore ee School Beledweyne, isla markaana hadda maamula xarun tababar oo macallimiinta loogu tababaro deegaanka.

Sida ay sheegeen ilo kala duwan , dhacdadan ayaa la sheegay inay ka dhacday duleedka magaalada Beledweyne, gaar ahaan agagaarka Xarunta Tababarrada Hirshabeelle ee Guufaale.

Wararka hordhaca ah ayaa tilmaamaya in Ustaad Xasan iyo dad kale ay saarnaayeen gaari, xilli ay jidka ku hor istaageen koox aan ilaa hadda si rasmi ah loo aqoonsan. Kooxda ayaa la sheegay inay gaariga ka dejisay Ustaadka, halka dadkii kale ee la socday loo fasaxay inay sii socdaan.

Ilo kala duwan oo laga soo xigtay wararka gudaha ayaa sheegay in Ustaad Xasan Shanlo laga kaxeeyay gaariga xilli uu marayay waddo ku dhow xarunta tababarka ee Guufaale.

Sidoo kale, ma jiro war rasmi ah oo aan helnay oo ka soo baxay maamulka gobolka Hiiraan ama Dowladda Hirshabeelle oo xaqiijinaya halka uu marayo Ustaad Xasan ama cidda ka dambeysa afduubka. inkastoo la tilmaamay in ay la xiriirto aano qabiil.

Beledweyne waa xarunta gobolka Hiiraan, waxaana magaalada iyo deegaanadeeda ka dhaca mararka qaar dhacdooyin amni oo saameeya shacabka iyo dadka ku safra waddooyinka ku xeeran magaalada.

Degaanka Guufaale iyo duleedka Beledweyne ayaa sidoo kale muhiim u ah isku socodka dadka iyo gaadiidka, iyadoo xarumaha waxbarashada iyo tababarrada macallimiintu ay ka mid yihiin goobaha ay bulshada adeegyada ka hesho.

DHEERAAD:  Madaxweyne Laftagareen oo dhagax dhigay dhismaha garoonka diyaaradaha magaalada Beydhabo ee Shaati Gaduud qeybtiisa Terminalka

 

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News