Muqdisho (KAAB ) Qarax khasaare dhimasho iyo dhaawac – gaystay ayaa ka dhacay degmada Kaxda ee magaalada Muqdisho , waxaana lala eegtay ciidamo ka tirsan Dowladda Soomaaliya.
Goobjoogayaal ayaa sheegaya , in qaraxan lala eegtay Ciidanka Boolis Militaro ee dhawaan lagu soo tababaray dalka dibadiisa kuwaas oo ka qayb qaata amniga degmooyinka magaalada Muqdisho.
Inta la xaqiijiyay hal qof oo shacab ah ayaa ku dhintay seddax kalena waa ay ku dhaawacmeen qaraxan oo si gaar ah uga dhacay bar – kantarool oo degmada Kaxda ku yaala.
Waxa la sheegay in dadka dhaawacmay ay ahaayeen dad shacab ah oo ka agdhawaa halka uu qaraxa ka dhacay ee degmada Kaxda sida ay sheegeen dad halkaas ku sugan.
Saraakiisha Dowladda Soomaaliya , ma aysan faahfaahin qaraxan maanta ka dhacay degmada Kaxda ee magaalada Muqdisho , kaas oo khasaare gaystay.
Xaaladda degmada hadda waa ay degan – tahay waxaana socda howgal ciidanka ay ku doonayaan in ay ku sugaan amniga xaafadaha degmada Kaxda ee magaalada Muqdisho.
Ciidanka Boolis Militaaro ayaa Dowladda Soomaaliya ayaa waxa ay ku faafisay degmooyinka qaar ee magaalada Muqdisho oo in muddo ahba ay ka jirtay falal amni darro.