Muqdisho (KAAB ) Magaalada Muqdisho waxaa ka soconaya shirka madasha wadatashiga Qaran kaas oo ay ka qayb galayaan inta badan madaxda maamul goboleedyda.
Shirkan waxaa ka maqan madaxwaynaha maamulka Puntland oo diidan ka qayb galka shirkan ka dib khilaaf kala dhaxeeya , Dowladda Federaalka ee uu hoggaminayo Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud.
Shirkaan ayaa waxay madaxda uga arrinsayaan arimaha amniga, dagaalka Al-Shabaab, gaar ahaan wajiga labaad iyo dhammeystirka deyn cafinta.
Shirka ka socda maalintii labaad magaalada Muqdisho waxa uuu kusoo aadayaa xilli xasaasi ah, islamarkaana Puntland ku jirto doorasho, dowladddana dhexana ay ku howlan tahay dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.
Shirkan, wuxuuna noqonayaa shirkii labaad oo ay ka maqan tahay, shirkan kii ka horeeyay oo ka dhacay Baydhabo ma aaney jirin xubno maamulkaasi ah oo soo xaadiray.
Si kastaba, gaba-gabada shirkaan ayaa la filayaa in madaxdu ay soo saareen war-murtiyeed ku aadan waxyaabaha ay ka wada-hadlayaan muddada uu socdo shirkooda.