Xarigga laba wariye oo Baydhabo ka dhacay iyo midkood oo aan la ogeyn halka lagu hayo

|

Ururka Saxafiyiinta Soomaaliyeed ee Somali Journalists Syndicate (SJS) ayaa ugu baaqay maamulka Koonfur Galbeed in si degdeg ah oo shuruud la’aan ah loo sii daayo wariye Cabdiraxmaan Maxamed Cabdi oo loo yaqaan Jakaata, kaas oo ururku sheegay in lagu xiray magaalada Baydhabo 6-dii September 2026.

SJS ayaa sheegtay in tan iyo markii la xiray wariyaha aan la ogeyn halka lagu hayo, iyadoo ururku sheegay in uu maamulka iyo booliska Baydhabo ka dalbaday faahfaahin ku saabsan xaaladdiisa, balse uusan helin jawaab.

Sida ay SJS sheegtay, Cabdiraxmaan waxaa la xiray kaddib qoraal uu 5-tii September ku baahiyay boggiisa Facebook. Qoraalkaasi wuxuu ka hadlayay duqeymo diyaaradeed oo laga soo sheegay deegaanno ku dhow Baydhabo iyo beelaha ay saameynayaan.

SJS waxay sheegtay in qaar ka mid ah saaxiibbadiis ay aaminsan yihiin in qoraalkaasi uu sabab u noqon karo xariggiisa. Ururku wuxuu sidoo kale sheegay in wariyaha markii dambe lagu eedeeyay inuu u janjeero kooxda Al-Shabaab, kadib qoraal uu qof kale ku qoray baraha bulshada.

Cabdiraxmaan ayaa sida la sheegay uga jawaabay eedeyntaasi, isaga oo sheegay in magaca “Khawaarij” si fudud loogu adeegsanayo in qof lagu sumadeeyo.

Xarigga wariyaha ayaa kusoo beegmaya xilli xaaladda amni iyo siyaasadeed ee Baydhabo ay kacsan tahay, iyadoo magaalada iyo deegaannada ku hareeraysan ay ka jiraan khilaaf iyo dagaallo u dhexeeya dhinacyo siyaasadeed iyo ciidamo kala aragti duwan.

SJS ayaa sidoo kale sheegtay in wariye kale oo lagu magacaabo Maxamuud Cali Cabdullaahi, oo loo yaqaan Baxar, laga xiray Baydhabo 8-dii September xilli uu ku sii jeeday gurigiisa. Sida uu wariyuhu u sheegay SJS, ciidamo ka tirsan sirdoonka Koonfur Galbeed ayaa joojiyay, kadibna u kaxeeyay saldhigga booliska Baydhabo.

DHEERAAD:  Hogaamiye Cali Jeyte "Horjooge Nuunuule Macawiislay ayaa dishay in la xaqirana waa nasiib daro weyn"

Wariyaha ayaa sheegay in ciidamadu ay ka qaadeen taleefankiisa, kuna qasbeen inuu furo, kadibna ay baareen qoraallo uu hore ugu daabacay Facebook oo la xiriiray amniga iyo dhacdooyin ka dhacay Baydhabo.

Sida uu sheegay Maxamuud Baxar, saraakiisha ayaa sidoo kale wax ka weydiiyay qoraal uu 3-dii September ka qoray dagaalladii Baydhabo. Wuxuu sheegay in saraakiishu ay ka caroodeen sida uu dagaalka u sheegay, gaar ahaan markii uu adeegsaday erayga ah in ciidamo taageersan Cabdicasiis Laftagareen ay weerareen magaalada, halkii laga dhihi lahaa Al-Shabaab ayaa weerartay.

Maxamuud Baxar ayaa markii dambe la sii daayay kadib markii la su’aalay, sida ay sheegtay SJS.

Xaaladda wariyeyaasha Baydhabo ayaa sidoo kale walaac ka dhalisay kadib markii wariye Bashir Maxamed Cabdullaahi uu ku dhintay rasaas xilli ay magaalada ka socdeen iska horimaadyo. Dhacdadan ayaa muujisay khatarta ay wajahaan wariyeyaasha ka howlgala magaalada.

SJS waxay sheegtay inay ka walaacsan tahay cadaadiska sii kordhaya ee lagu hayo wariyeyaasha Baydhabo, iyadoo ku eedeysay mas’uuliyiinta deegaanka inay wariyeyaasha cadaadis ku saarayaan habka ay uga waramaan xaaladda siyaasadeed iyo amni ee magaalada.

Ururka ayaa ugu baaqay dhinacyada ku loollamaya Koonfur Galbeed inay ilaaliyaan badqabka wariyeyaasha, isla markaana aysan u adeegsan xarig, hanjabaad ama cabsi gelin inay saameyn ku yeeshaan warbaahinta madax-bannaan.

SJS waxay sidoo kale ku celisay in wariyeyaashu ay xaq u leeyihiin inay si madax-bannaan uga waramaan xaaladaha siyaasadeed, amni iyo bani’aadantinimo, iyadoo aan lagu qasbin inay qaataan aragtida ama eray-bixinta dhinac ka mid ah dhinacyada isku haya magaalada Baydhabo.

Xaaladda Cabdiraxmaan Maxamed Cabdi ayaa weli taagan, iyadoo SJS ay dalbatay in si degdeg ah loo shaaciyo halka uu ku sugan yahay iyo in si shuruud la’aan ah loo sii daayo.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News