Marka (KAAB TV) – Kooxda Al-Shabaab ayaa saaka waaberigii weerar ku bilawday qaraxyo ku qaaday xeryaha ciidamada ATMIS iyo kuwo dowladda Soomaaliya ay ku leeyihiin degmada Buulo Mareer ee Gobolka Shabeellaha Hoose.
Dadka deegaanka ayaa sheegaya in saacado badan uu socdo weerarkan oo ah mid toos ah oo la isku adeegsanayo hub culculus isla markaana uu jiro khasaare culus.
xilligii la dukanayay Salaad Subax ayaaa sheegay in la maqlayay jug culus oo is xig-xigay iyo dhawaqa rasaasta ay is weeydaarsanayeen Ciidamada Uganda ee ku sugan Saldhigooda Buulo-Mareer iyo Al-Shabaabkii.
Warbaahinta Dowladda ayaa sheegtay in xubno ka mid ah Al- Shabaab weerarka lagu dilay isla markaana dagaalka ay soo afjareen ciidanka ATMIS gaar ahaan kuwa Uganda.
Kooxda Al- Shabaab ayaa sidan oo kale weeraro ugu gaystay marar badan fariisimaha ciidanka Dowladda iyo kuwa ATMIS ee gobolada dalka.