Waxaa magaalada Muqdisho ku geeriyooday suxufigii ruug-caddaaga ahaa Xasan Kaafi Cabdiraxmaan Qoyste, oo muddo dheer ka tirsanaa bahda saxaafadda Soomaaliyeed, gaar ahaan saxaafadda raadiyaha.
Xasan Kaafi Qoyste ayaa geeriyooday habeenkii Jimcaha, 18-ka Sebtembar, kaddib xanuun muddo gaaban hayay, sida ay qoyskiisu sheegeen.
Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS) ayaa tacsi u diray qoyska, asxaabta iyo dhammaan bahda saxaafadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay marxuum Xasan Kaafi Qoyste.
Qoyste wuxuu ka mid ahaa suxufiyiintii raadiyaha ugu caansanaa, waxaana si gaar ah loogu xusuustaa codkiisa iyo qaabkii uu u tebin jiray barnaamijyada iyo sheekooyinka laga sii dayn jiray idaacadaha.
Magaciisa ayaa si weyn ula xiriiray tebinta sheeko-faneedka “Maana-Faay” iyo sheekada “Adeegto”, kuwaas oo horraantii 2000-meeyadii ay si weyn u dhageysan jireen dhallinyaro badan oo Soomaaliyeed.
Suxufiga ayaa shaqadiisa ugu horreysay ka bilaabay kaydka iyo aarkifiyada dukumiintiyada ee Wasaaradda Shaqada ee dowladdii dhexe ee Soomaaliya, dhammaadkii 1980-meeyadii.
Horraantii 1990-meeyadii ayuu ku biiray saxaafadda qoraalka ee Muqdisho, xilli Soomaaliya ay gashay marxalad dagaallo sokeeye iyo burbur ku yimid hay’adihii dowladeed.
Muddo sanado ah ayuu ka shaqeynayay saxaafadda, isagoo ka mid noqday suxufiyiintii door muuqda ku lahaa horumarinta warbaahinta Soomaaliyeed, gaar ahaan idaacadaha iyo tebinta barnaamijyada afka ah.
Geerida Xasan Kaafi Qoyste ayaa murugo ku abuurtay qoyska, asxaabtiisa iyo bahda saxaafadda Soomaaliyeed, waxaana lagu xusuusan doonaa waayihiisii dheer ee uu ku jiray shaqada warbaahinta iyo codkiisii ay dhageystayaal badan ku barteen raadiyaha.
Alle ha u naxariisto marxuum Xasan Kaafi Cabdiraxmaan Qoyste, ehelkiisa, carruurtiisa, asxaabtiisa iyo dhammaan qoyskiisana Alle ha ka siiyo samir iyo iimaan.

