Beeraleyda Garoowe oo ka bannaanbaxay seeraynta dhul ay sheegeen in loogu ballaarinayo garoonka diyaaradaha

|

Beeraleyda ku nool duleedka magaalada Garoowe ee gobolka Nugaal ayaa sameeyay bannaanbax ay kaga soo horjeedaan seerayn lagu sameeyay dhul beereed ay sheegeen inay leeyihiin, kaas oo wax-soo-saar beeraha ah laga sameeyo.

Beeraleyda ayaa sheegay in dhulkan loo sheegay inuu qayb ka yahay qorshe lagu ballaarinayo Garoonka Diyaaradaha Gen. Maxamed Abshir ee magaalada Garoowe, taas oo ay sheegeen inay walaac weyn ka qabaan mustaqbalka dhulkooda iyo wax-soo-saarka ay ka helaan.

Waxay tilmaameen in seeraynta dhulka ay timid xilli aan weli si cad loo shaacin qorshaha rasmiga ah ee lagu ballaarinayo garoonka iyo baaxadda dhulka loo baahan yahay.

Beeraleyda ayaa sidoo kale ku eedeeyay shirkadda gacanta ku haysa maamulka garoonka iyo shaqsiyaad kale inay gadaal ka riixayaan qorshaha dhulka lagu wareejinayo magaca ballaarinta garoonka, iyagoo sheegay inay jiraan dano gaar ah oo laga leeyahay dhulkaasi.

Dhinaca kale, beeraleydu waxay sheegeen in Garoonka Gen. Maxamed Abshir uu horey u haystay dhul ballaaran oo ay ku qiyaaseen inuu ka badan yahay 30 kiiloomitir oo isku wareeg ah, ayna qayb ka mid ah dhulkaasi horey ugu wareejiyeen garoonka.

Waxay intaas ku dareen in haddii ballaarinta garoonka ay tahay qorshe rasmi ah, loo baahan yahay in si cad loo qeexo baahida dhabta ah ee garoonka iyo dhulka loo baahan yahay, iyadoo la tixgelinayo dadka hadda ku nool ama ka faa’iideysta dhulka.

Beeraleyda ayaa sidoo kale dhaliil u jeediyay maamulka degmada Garoowe iyo Wasaaradda Duulista Hawada, iyagoo ku eedeeyay inaysan si dhexdhexaad ah u maareyn khilaafka ka dhashay lahaanshaha iyo isticmaalka dhulka.

DHEERAAD:  Qarax ka dhacay magaalada Baraawe

Waxay dalbadeen in labada dhinac ee isku haya dhulka si siman loo dhageysto, lana sameeyo guddi ama hannaan rasmi ah oo lagu xaqiijinayo cidda leh dhulka, xuduudaha dhabta ah ee garoonka iyo baahida loo qabo dhul dheeraad ah.

Beeraleyda ayaa ugu baaqay madaxda Puntland inay arrintan soo farageliyaan, ayna hubiyaan in aan dhul beereed ay dadku muddo dheer ka shaqaysanayeen lagu wareejin cid kale iyadoo aan la helin hannaan cad oo sharci iyo mid maamul.

Khilaafka ka dhashay seeraynta dhulkan ayaa kusoo beegmaya xilli magaalada Garoowe ay ka socoto ballaarin iyo horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha, oo ay ku jirto horumarinta adeegyada duulimaadyada.

Ilaa hadda, dhinacyada ay beeraleydu eedeymaha u jeediyeen kama aysan bixin faahfaahin rasmi ah oo ku saabsan qorshaha ballaarinta garoonka iyo sababta dhulkan loo seereeyay.

Beeraleydu waxay ku adkeysanayaan in xal waara lagu gaari karo oo keliya wada-hadal, xaqiijinta lahaanshaha dhulka iyo in si cad loo qeexo dhulka ay dhab ahaantii u baahan tahay ballaarinta Garoonka Diyaaradaha Gen. Maxamed Abshir

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News