Khilaaf siyaasadeed oo la sheegay inuu maalmihii u dambeeyay ka dhex jiray Madaxweynaha Hirshabeelle, Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe), iyo Faarax Sheekh Cabdulqaadir ayaa dhaliyey hadal-heyn la xiriirta awood-qaybsiga kuraasta sare ee Baarlamaanka dowlad-goboleedka Hirshabeelle.
Sida ay sheegayaan xogaha la helayo, khilaafka ayaa la sheegay inuu saameyn ku yeeshay kursiga guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Baarlamaanka Hirshabeelle, kaas oo la sheegay in laga wareejiyey beeshii hore loogu tirinayey, loona wareejiyey beesha Shiidle.
Hirshabeelle ayaa muddooyinkii u dambeeyay wajahaysay muranno siyaasadeed oo la xiriira hoggaanka maamulka, matalaadda gobolka Hiiraan iyo habka loo qaybsanayo xilalka dowladda.
Khilaafaadka noocan ah ayaa mararka qaarkood saameyn ku yeesha xiriirka siyaasiyiinta, xulashada musharraxiinta iyo wadaxaajoodyada ku saabsan kuraasta muhiimka ah ee hay’adaha maamulka.
Xogta qaar ayaa waxaa ay waxay tilmaamaysaa in khilaafka Cali Guudlaawe iyo Faarax Sheekh Cabdulqaadir uu qayb ka noqon karo loollanka siyaasadeed ee ku saabsan kuraasta Baarlamaanka Hirshabeelle. Si kastaba ha ahaatee, weli ma cadda qodobka gaarka ah ee ay isku hayaan labada siyaasi, goorta uu khilaafku bilowday iyo heshiiskii la sheegay inuu ka dhashay isbeddelka kursiga.
Kursiga guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Baarlamaanka Hirshabeelle waa mid ka mid ah xilalka muhiimka ah ee hoggaanka golaha, waxaana qofka haya xilkaasi uu qayb ka yahay maamulka iyo hagidda howlaha Baarlamaanka.
kursiga ayaa la sheegay in loo wareejiyey beesha Shiidle, taasoo dhalisay su’aalo ku saabsan heshiisyada siyaasadeed ee lagu saleeyo qaybsiga xilalka iyo cidda go’aanka kama dambaysta ah gaartay.

