Barakacayaasha Muqdisho oo ka walwalsan roobabka El Nino oo laga cabsi qabo dhowaan

|

“Waxba ma haysanno haba yaraatee. Dabayshu waxay si xooggan u ruxaysaa gurigayga. Haddii El Niño yimaado, uma malaynayo in gurigaygu sii taagnaan doono,” ayay yiraahdeen dadka ku nool xeryaha barakacayaasha ee Muqdisho.

Super El Niño weli ma bilaaban, balse qoysas badan oo barakacayaal ah oo ku nool Muqdisho ayaa durba ka cabsi qaba badbaadadooda. Haweenka iyo carruurta ayaa si rajo-beel ah u sugaya gargaar, iyadoo aan weli wax kaalmo ah soo gaarin.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News