Xiisad Siyaasadeed iyo Mid Amni oo ka Taagan Koonfur Galbeed, Xilli La Hadal Hayo Mustaqbalka Aadan Madoobe

|

Xiisadda siyaasadeed iyo tan amni ee ka taagan Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa sii xoogeysanayso, iyadoo ay soo baxayaan warar la xiriira hoggaanka maamulka, dhaqdhaqaaqyo ciidan iyo duqeyn ka dhacday degmada Buurhakaba ee gobolka Bay.

 

Arrimahan ayaa ku soo beegmaya xilli ay jiraan loollan siyaasadeed iyo dhaqdhaqaaqyo ciidan oo la sheegay inay la xiriiraan garabyada kala duwan ee siyaasadda Koonfur Galbeed, gaar ahaan kuwa taageera  Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen iyo kuwa ka soo horjeeda.

 

Sheekh Cali Wajiis, oo lagu sheegay inuu yahay lataliyaha  Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa soo jeediyay in Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) loo raadiyo xil kale oo siyaasadeed, sida kursi xildhibaanimo ama wasiirnimo, isla markaana hoggaanka Koonfur Galbeed loo dhiibo qof dhallinyaro ah,soo jeedintan ayaa la xiriirta xaaladda siyaasadeed ee Aadan Madoobe iyo awoodda uu u leeyahay inuu difaaco hoggaanka Koonfur Galbeed.

 

Dhanka amniga, waxaa soo baxay warar sheegaya in magaalada Baydhaba lagu xiray sarkaal lagu magacaabo Mustaf Xasan Baagow, kaas oo la sheegay inuu ka tirsanaa Guutada Sideedaad ee ciidamada fadhigoodu yahay magaaladaas.

 

Wararka la faafiyay ayaa sheegaya in sarkaalka loo haysto tuhun la xiriira qorshe uu doonayay inuu kaga goosto garabka Madaxweyne Cabdicasiis Laftagareen.

 

Xarigga la sheegay ayaa imanaya xilli ay jiraan warar ku saabsan dhaqdhaqaaqyo ciidan oo ka socda deegaannada gobolka Bay, kuwaas oo muujinaya in xaaladda amni ee magaalada Baydhaba iyo nawaaxigeeda ay u baahan tahay in si dhow loola socdo.

DHEERAAD:  Tookiyo: Shacabka oo laga xiray xafiiskii ay ku bixinayeen lacagta dhulka

 

Wararka kale ee la faafiyay ayaa sheegaya in ciidamo la tilmaamay inay ka tirsanaayeen garabka taageera Laftagareen ay ka baxeen deegaanka Owdiinle, iyagoo ku sii jeeday magaalada Baydhaba.

 

Sida xogta la faafiyay ay tilmaamayso, ciidamadaas ayaa la sheegay inay qorsheynayeen inay galbiyaan Mustaf Xasan Baagow iyo ciidan la sheegay inuu watay, balse qorshahaas uu fashilmay kaddib markii xogtiisu bannaanka timid.

 

 

Dhanka kale, degmada Buurhakaba ee gobolka Bay ayaa laga soo sheegay duqeyn sababtay dhimasho iyo dhaawac, sida ay tilmaamayaan wararka la faafiyay.

 

Dadka dhaawacmay waxaa la sheegay inay ku jiraan carruur xilliga duqeyntu dhacaysay ku sugnaa meel u dhow goobta la beegsaday.

 

Wararka ayaa intaas ku daraya in gaadiid Turki ah oo la sheegay in maalin ka hor lagu qabsaday dagaal la geeyay gudaha degmada Buurhakaba. Faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan gaadiidkaas, cidda gacanta ku haysa iyo xaaladdiisa ayaan weli si madax-bannaan loo xaqiijin.

 

Duqeynta iyo wararka la xiriira gaadiidka la sheegay in la qabsaday ayaa sii kordhinaya walaaca laga qabo xaaladda amni ee degmada iyo saameynta ay colaadaha hubeysan ku yeelan karaan dadka rayidka ah.

 

 

 

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News