Britain oo dib u xusuusatay halgankii badmaaxiinta Soomaaliyeed

|

Safaaradda Britain ee magaalada Muqdisho ayaa maanta xustay Maalinta Xusuusta (Remembrance Day), iyadoo si gaar ah u maamuustay badmaaxiintii Soomaaliyeed ee ka qayb qaatay shaqada maraakiibta Britain intii lagu jiray labadii Dagaal Adduun.

Farriin ay safaaraddu baahisay ayay ku sheegtay in maalintan ay tahay waqti lagu xusuusto dhammaan dadkii u adeegay Britain, naftoodana u huray dagaalladii waaweynaa ee dunida soo maray.

Safaaraddu waxay si gaar ah u tilmaantay doorkii badmaaxiinta Soomaaliyeed, kuwaas oo ka shaqayn jiray maraakiibta Britain, isla markaana gacan ka geystay in maraakiibtaasi sii socdaan intii lagu jiray dagaalladii koowaad iyo labaad ee Adduunka.

“Waan xusuusan doonnaa,” ayay ku soo gabagabaysay safaaraddu farriinteeda.

Doorkii Soomaalida ee taariikhda badda,Xuska ay safaaradda Britain samaysay wuxuu dib u soo nooleynayaa doorkii taariikheed ee Soomaalida ee la xiriiray badaha iyo maraakiibta ganacsiga iyo kuwa dagaalka. Badmaaxiinta Soomaaliyeed ayaa ka mid ahaa dadkii ka shaqayn jiray maraakiibta isaga kala gooshi jiray waddamada kala duwan, xilli ay dunidu ku jirtay dagaallo waaweyn.

Farriinta safaaradda ayaa sidoo kale muujinaysa in Britain ay xusuus gaar ah u hayso dadkii Soomaaliyeed ee qaybta ka qaatay adeegga maraakiibteeda.

Maalinta Xusuusta waxaa sannad kasta la xusaa 11-ka Nofeembar, si loo maamuuso askarta iyo dadka kale ee ku dhintay ama u adeegay dagaallada, gaar ahaan dagaalkii koowaad ee Adduunka.

May be an image of text

No photo description available.

May be an image of text

May be an image of text

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News