Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sii wadda dadaallada ay ku dooneyso in dhinacyada siyaasadda dalka la isugu keeno miiska wada-hadalka, kaddib kulammo ay Muqdisho kula yeesheen guddiga dowladda garabyada mucaaradka ee ay kala hoggaamiyaan Madaxweynihii hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaarihii hore Cumar Cabdirashiid Sharmaarke.
Kulammada oo la sheegay inay goor dhow soo dhammaadeen ayaa diiradda lagu saaray khilaafaadka siyaasadeed ee ka taagan dalka, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka, amniga iyo sidii loo heli lahaa hannaan wada-hadal oo ay dhinacyadu ku gaari karaan is-afgarad.
Garabka uu hoggaamiyo Ra’iisul Wasaarihii hore Cumar Cabdirashiid waxaa kulanka uga qeybgalay siyaasiyiin ay ka mid yihiin Shariif Xasan Sheekh Aadan, Daahir Maxamuud Geelle iyo Daa’uud Bisinle. Dhinaca kale, waxaa wada-hadallada ka qeybgalay garabka mucaaradka ee uu hoggaamiyo Madaxweynihii hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.
Guddiga Dowladda Federaalka ee kulammada la yeeshay dhinacyada mucaaradka ayaa ka koobnaa Taliyeyaasha hay’adaha amniga, oo kala ah Nabadsugidda, Booliska iyo Ciidanka Xoogga Dalka, iyo Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida.
Qodobka ugu muhiimsan ee kulammada laga soo sheegay ayaa ah in labada garab ee mucaaradku ay aqbaleen gogosha wada-hadalka ee Dowladda Federaalka, isla markaana la isku afgartay in kala aragti duwanaanshaha la xiriira doorashooyinka lagu xalliyo madasha wada-hadalka.
Tallaabadan ayaa noqon karta bilow muhiim ah oo lagu yareyn karo xiisadda siyaasadeed ee dalka, maadaama khilaafka doorashooyinka uu muddooyinkii dambe caqabad ku ahaa xiriirka Dowladda Federaalka iyo siyaasiyiinta mucaaradka.
Inkasta oo aqbalidda wada-hadalku aysan si toos ah uga dhignayn in dhinacyadu isku raaceen dhammaan arrimaha la isku hayo, haddana waxay muujinaysaa in ay jirto fursad siyaasadeed oo lagu raadin karo xal wadajir ah.
Arrinta ugu weyn ee la sugayo ayaa ah in gogosha wada-hadalku isu beddesho heshiis cad oo dhinacyadu ku wada qanacsan yihiin, gaar ahaan marka laga hadlayo nooca doorasho ee dalka ka dhici doona, waqtiga la qabanayo iyo cidda maamuleysa hannaankaas.
Kulammada maanta ayaa daba socda kulan xalay guddiga Dowladda Federaalka la yeeshay xubno ka tirsan Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed.
Kulankaas waxaa la sheegay in dhinacyadu isku afgarteen muhiimadda ay leedahay in laga fogaado siyaasadaynta arrimaha amniga, lana xoojiyo iskaashiga ka dhanka ah kooxaha Al-Shabaab iyo Daacish.
Sidoo kale, waxaa laga wada hadlay sidii loo heli lahaa doorasho heshiis lagu yahay iyo sidii loo dhisi lahaa kalsoonida dhinacyada siyaasadda, taas oo muhiim u ah xasilloonida dalka iyo wada-shaqeynta hay’adaha dowladda.
Arrimaha amniga ayaa ka mid ah qodobada ugu xasaasisan ee ay tahay in dhinacyada Soomaaliyeed ay ka yeeshaan aragti mideysan. Khilaafka siyaasadeed ee daba dheeraada wuxuu saameyn ku yeelan karaa wada-shaqeynta hay’adaha amniga, hawlgallada ka dhanka ah kooxaha hubeysan iyo kalsoonida shacabka.
Sidaas darteed, heshiis siyaasadeed oo lagu kala caddeeyo mas’uuliyadaha iyo mudnaanta amniga ayaa muhiim u noqon kara dadaallada lagu xoojinayo amniga dalka.
Aqbalaadda gogosha wada-hadalka ee labada garab ee mucaaradka waxay Dowladda Federaalka u abuureysaa fursad ay ku ballaarin karto wadatashiga siyaasadeed, balse guusha dadaalladan waxay ku xirnaan doontaa qodobada la isla meel dhigo iyo sida loo fuliyo heshiisyada kasoo baxa.
Waxaa la filayaa in doodaha ugu waaweyn ee miiska wada-hadalka ay noqdaan hannaanka doorashooyinka, dastuurka, muddooyinka hay’adaha dowladda, awoodaha heerarka kala duwan ee dowladda iyo dammaanadaha lagu xaqiijinayo in heshiis kasta loo wada hoggaansamo.
Dhinacyada mucaaradka ayaa u baahan inay helaan kalsooni ku filan oo ay ku rumeysan karaan in wada-hadalku yahay hannaan dhab ah oo lagu xallinayo khilaafaadka, halka Dowladda Federaalka looga baahan yahay inay muujiso diyaar-garow ay ku tixgelinayso aragtiyaha iyo tabashooyinka siyaasiyiinta kale.
Dhanka kale, waxaa muhiim ah in wada-hadalladu yeeshaan ajande cad, waqti cayiman iyo hannaan lagu dabagalayo go’aannada laga gaaro, si aysan ugu ekaan kulammo siyaasadeed oo aan natiijo muuqata laga gaarin.
Soomaaliya waxay ku jirtaa marxalad ay isku biirsadeen caqabado siyaasadeed, amni iyo kuwo la xiriira hannaanka dowlad-dhiska. Khilaafaadka doorashooyinka iyo kala aragti duwanaanshaha siyaasadeed ayaa marar badan caqabad ku noqday in la helo mowqif qaran oo mideysan.
Wada-hadallada ay Dowladda Federaalka la yeelatay garabyada Farmaajo iyo Cumar Cabdirashiid, iyo kulankii Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed, waxay muujinayaan dadaal lagu doonayo in la abuuro jawi siyaasadeed oo lagu xalliyo khilaafaadka.

