Muqdisho (Kaab TV) – Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo hada ah ergayga gaarka ah ee madaxweynaha Soomaaliya u qaabilsan arrimaha bani’aadanimada ayaa warqad ku taariikhaysan 29-ka May, 2023 u diray Xasan Sheekh, taas oo uu uga hadlay heshiiskii Golaha Wadatashiga iyo khilaafka dowladda iyo Puntland.
Xildhibaanka ayaa sheegay in heshiiskan uu baal-marsan yahay Dastuurka, isla-markaana lagu xad-gudbay awooddii Baarlamaanka Soomaaliyeed, sida uu hadalka u dhigay.
“Habraacyada iyo hannaanka lagu hirgelinayo ee uu goluhu soo saaray waxay baal-marsan yihiin qodobka 47-aad ee Dastuurka dalka ee dhigaya in Golaha Shacabka ah uu leeyahay awooda dejinta shuruucda la xiriirta xisbiyada iyo doorashooyinka heerka dowladda federaalka ah” ayuu qoraalkiisa ku yiri ergayga gaarka ah ee madaxweyne Xasan Sheekh u qaabilsan arrimaha bani’aadanimada.
“Muddo kororsigu wuxuu ka mid yahay afar aafo siyaasadeed oo halis ku ah dowlad dhiska curdunka ah ee dalkeenna. Sababtuna waa afartaaba inay astaan u yihiin kali-talisnimo iyo xukun isku koobid duminada xukunka taagta daran ee ay ku taagan dowladnimada dalkeenna” ayuu qoraalkiisa sii raaciyay xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.
Cabdiraxmaan Cabdiashuur ayaa si weyn uga soo horjeestay heshiiska ay gaareen Golaha Wadatashiga Qaran ee lagu go’aamiyay nooc doorasho oo qof iyo cod ah iyo laguna beddalay nidaamkii hore ee dowladnimada, sida lagu caddeeyay heshiiska la saxiixay.
Dhanka kale, waxa uu soo hadal qaaday khilaafka siyaasadeed ee haatan u dhexeeyo dowladda federaalka iyo Puntland, isaga oo madaxweynaha u soo jeediyay inuu qanciyo oo miiska wadahadalka ku soo celiyo Puntland, sidoo kalena Puntland dhankeeda aysan ku awood sheegan in aan laga tegi karin.