Gaalkacyo (Kaab TV) – Guddoomiyaha gobolka Mudug ee Puntland Feysal Sheekh Cali iyo Gudoomiyaha gobolka Mudug ayaa shir gudoomiyay kulan kan oo ay isugu yimaadeen lamaaha amaanka gobolka Mudug iyo Puntland.
Kulankan ayaa waxaa kasoo wada qeybgalay dhamaanka madaxda maamulka Mudug iyo saraakiisha anmiga iyo odayaasha dhaqanka, kulan kan ayaa waxaa lagu kala dhex-dhexaadinaayay Beelaha walaalaha ah oo baryihii udambeeyay ku dagaalamaayay gobolka Mudug kulan kan oo ka dhacay Hotel Five Star ee magaalada Galkacyo.
Heshiiskan lakala dhex-dhigay Beelahan ayaa noqonaya kii afaraad oo lagu guuleesto tan iyo markii lasoo magacaabay maamulka gobolka Mudug ee uu qeybta kayahay Feysal Sheekh Cali, sida lagu sheegay war qoraal ah oo kasoo baxay maamulka gobolka Mudug ee Puntland.
Kulan ayaa qeyb ka ahaa kulamo sidan oo kale ah oo lagu xalinaayo colaado iyo is qab-qabsi Beeled oo dhexmaray Beelo wada daga Puntland iyo Galmudug kuwaas oo ay kunafwaayeen dad ray’id ah oo waxbo galabsan.