Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo dhaliil culus u jeediyay Xasan Sheekh, kana digay xaaladda dalka

|

Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo ka mid ah siyaasiyiinta Soomaaliyeed, isla markaana xubin ka ah Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, ayaa dhaliil culus u jeediyay Xasan Sheekh Maxamuud, isaga oo ka hadlay xaaladda siyaasadeed, amni, dhaqaale iyo diblomaasiyadeed ee dalka, kana digay in Soomaaliya ay wajahdo khataro sii kordhaya haddii aan xal siyaasadeed laga gaarin khilaafaadka taagan.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa sheegay in Soomaaliya ay ku jirto xaalad uu ku tilmaamay mid halis ah, isaga oo xusay in ay isbiirsadeen hubanti la’aan siyaasadeed, qalalaase, xasillooni-darro, soo xoogaysiga kooxaha argagixisada, hoos u dhaca taageerada caalamiga ah, dhaqaale xumo iyo heshiis la’aan ku saabsan hannaanka doorashooyinka dalka.

Waxa uu sheegay in dalka uu u baahan yahay kala-guur siyaasadeed oo lagu heshiiyo, laguna dhiso dowlad sharciyad ku dhisan, taas oo ay shacabka iyo siyaasiyiintu ku wada kalsoon yihiin, isaga oo ka digay in haddii khilaafaadka siyaasadeed ay sii socdaan ay Soomaaliya halis ugu jirto in taageeradii caalamiga ahayd ee ay ku tiirsanayd ay sii yaraato.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa Xasan Sheekh ku eedeeyay in siyaasaddiisa ay dhaawacayso kalsoonida, midnimada iyo wadajirka shacabka Soomaaliyeed, xilli uu sheegay in dalka uu u baahan yahay in awoodda iyo hantida yar ee uu haysto la isugu geeyo la dagaallanka Al-Shabaab iyo badbaadinta dowladnimada.

Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa sheegay in shacabka Soomaaliyeed ay sugayeen khudbad uu Xasan Sheekh Maxamuud la wadaago xaaladda dalka, kaddib markii Villa Soomaaliya ay shaacisay in madaxweynaha, oo ay mucaaradku ku doodayaan in muddada xilkiisu dhammaatay, uu shacabka la hadli doono.

Waxa uu sheegay in khudbadda laga filayay inay noqoto mid uu madaxweynuhu si dhab ah uga hadlo xaaladda dalka, isla markaana uu shacabka u caddeeyo sida loo wajahayo caqabadaha siyaasadeed, amni iyo dhaqaale ee jira.

DHEERAAD:  Dowladda Mareykanka oo liiska argagixisinimo ka saartay xubno sare sare oo Taalibaan ah

Sida uu sheegay, waxaa laga filayay madaxweynaha inuu qirto mas’uuliyadda ay dowladda ka saaran tahay xaaladda dalka, isla markaana uu soo bandhigo jidka looga bixi karo khilaafaadka, dib loogu soo celin karo wada-hadallada siyaasadeed, heshiisna looga gaari karo doorashada dalka.

Waxa uu sidoo kale tilmaamay in laga filayay madaxweynaha inuu ka hadlo sida loo mideynayo ciidamada dalka, loo xoojinayo difaaca qaranka iyo tanaasullada siyaasadeed ee loo baahan yahay si loo soo celiyo kalsoonida iyo wadajirka shacabka Soomaaliyeed.

Xildhibaanka ayaa ku eedeeyay Xasan Sheekh inuu ka leexday su’aalihii muhiimka ahaa ee shacabka ka qabaan xaaladda dalka, isaga oo sheegay in halkii uu si toos ah uga hadli lahaa fashillada siyaasadeed, amni, dhaqaale iyo diblomaasiyadeed, uu doortay inuu doodda ku soo koobo arrimaha Imaaraadka iyo faragelinta shisheeye.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa ku dooday in arrimaha dibadda iyo madax-bannaanida dalka ay muhiim yihiin, balse aysan noqon karin kuwo lagu daboolayo su’aalaha waaweyn ee ku saabsan mas’uuliyadda dowladda iyo xaaladda gudaha ee Soomaaliya.

Waxa uu sheegay in shacabka ay u baahan yihiin jawaabo ku saabsan sababaha keenay xaaladda maanta taagan, sida loo xallinayo khilaafaadka siyaasadeed iyo cidda mas’uuliyadda ka qaadaysa caqabadaha dalka ka jira.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa sheegay in Soomaaliya ay tahay dal ay deegaanadiisu muddo dheer ku kala aragti duwanaayeen siyaasadda, isla markaana ay jiraan maamullo kala duwan oo ka dhisan gobollada dalka, kuwaas oo xiriirro kala duwan la leh dowladaha gobolka iyo beesha caalamka.

Waxa uu xusay in burburkii dowladdii dhexe kaddib ay deegaanada dalka qaarkood samaysteen maamulladooda, taas oo uu sheegay inay qayb ka ahayd dadaallada lagu doonayay in deegaanada kala duwan la isugu keeno dowlad Soomaaliyeed oo mideysan.

DHEERAAD:  GAZA uma roona hadalka Aqalka cad – qorshe fog

Sida uu sheegay, dowladaha gobolka iyo kuwa caalamka ayaa Soomaaliya ula falgala siyaabo kala duwan, iyadoo qaar ay taageeradooda ku xooggan tahay maamullada gobollada, qaarna ay xiriir dhow la leeyihiin dowladda federaalka, halka dowlado kale ay isku dayaan inay xiriir la yeeshaan labada dhinac.

Xildhibaanka ayaa ku adkeystay in dowladaha shisheeye aysan xaq u lahayn inay ka faa’iideystaan kala qaybsanaanta Soomaaliya ama taageeraan falal dhaawacaya qaranimada dalka, balse uu sheegay in awoodda ugu weyn ee lagu xakameyn karo faragelinta dibadda ay tahay midnimada iyo kalsoonida gudaha.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa sheegay in hoggaamiyaha Soomaaliya looga baahan yahay inuu ka shaqeeyo dan qaran oo ka weyn danaha qoys, qabiil ama deegaan, isla markaana uu shacabka ku qanciyo inay dowladnimada ku leeyihiin door iyo saamayn.

Waxa uu sheegay in dowladnimada Soomaaliya ay u baahan tahay kalsooni, wadajir iyo hannaan siyaasadeed oo ay dhinacyada kala duwan ku wada qancaan, si dalka uu u yareeyo ku tiirsanaanta taageerada shisheeye.

Waxa uu sidoo kale tilmaamay in madaxweynaha looga baahan yahay inuu dowladaha shisheeye kala xaajoodo danahooda, xiriirka diblomaasiyadeedna ku maareeyo xeelad, xilkasnimo iyo xigmad, isaga oo mar walba ka duulaya danta qaranka Soomaaliyeed.

Xildhibaanka ayaa dib u xusuusiyay doorashadii Xasan Sheekh Maxamuud ee 15-kii May 2022, isaga oo sheegay in madaxweynuhu xilligaas helay taageero ballaaran oo ka timid siyaasiyiin, madax hore iyo dhinacyo kala duwan oo dalka ka jiray.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa sheegay in fursaddaas siyaasadeed ay ahayd mid madaxweynaha u saamaxaysay inuu isku soo dhaweeyo dhinacyada Soomaaliyeed, dib u dhiso kalsoonida shacabka, isla markaana wax ka qabto dhaawacyadii siyaasadeed ee dalka soo maray.

Waxa uu ku eedeeyay madaxweynaha inuu halkii uu isku soo dhaweyn lahaa dhinacyada kala duwan uu sii fogeeyay siyaasiyiinta iyo maamullada qaar, taas oo uu sheegay inay dhaawacday kalsoonidii shacabka ay ku qabeen dowladnimada.

DHEERAAD:  Qorshaha safarka madaxweyne Xasan Sheekh ee Asmara oo la shaaciyay

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa sidoo kale soo hadal qaaday xiisadaha ka taagan Koonfur Galbeed iyo xaaladda gobolka Hiiraan, isaga oo sheegay in khilaafaadka iyo colaadaha ka jira deegaanada dalka ay muujinayaan baahida loo qabo heshiis siyaasadeed iyo dowladnimo lagu mideeyo shacabka.

Waxa uu sheegay in Soomaaliya ay u baahan tahay hoggaan ka shaqeeya xallinta khilaafaadka, halkii ay xaaladaha siyaasadeed iyo kuwa maamul ay sii ahaan lahaayeen kuwo dhaawacaya wadajirka dalka.

Xildhibaanka ayaa ka hadlay xiriirka Soomaaliya iyo Imaaraadka, isaga oo xusay in dowladaha Carbeed qaarkood, sida Sacuudiga, Masar, Imaaraadka iyo Qatar, ay madaxweynayaasha Soomaaliya u fidiyeen casumaado iyo xiriir diblomaasiyadeed.

Waxa uu sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu markii la doortay doortay inuu Imaaraadka ka dhigo dowladdii ugu horreysay ee uu booqdo, isaga oo taas ku tilmaamay arrin ka mid ah siyaasaddii diblomaasiyadeed ee madaxweynaha.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa hadalkiisa ku muujiyay in siyaasadda xiriirka dibadda ay tahay inay ku dhisnaato danta qaranka, isla markaana ay dowladda ka shaqeyso xiriir dheellitiran oo ay la yeelato dowladaha kala duwan, iyadoo aan loo oggolaan in khilaafaadka gudaha ay noqdaan meel ay dowladaha shisheeye ka faa’iideystaan.

Hadallada Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa kusoo aadaya xilli Soomaaliya ay wajahayo khilaafaad siyaasadeed, muranno la xiriira hannaanka doorashooyinka, xiriirka dowladda federaalka iyo maamullada qaar, iyo doodaha ku saabsan jihada siyaasadeed ee dalka, kuwaas oo sii kordhinaya baaqyada ku aaddan in la helo heshiis siyaasadeed oo loo dhan yahay.

 

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News