SO | EN

SO | EN

Howlgallo xalay laga sameeyay Xaafado katirsan Magaalada Muqdisho

|

Muqdisho (Kaab TV) – Ciidamada xasilinta Caasimadda Soomaaliya ee Magalada Muqdisho ayaa xalay waxa howl-galo ka sameeyeen xafado katirsan Gobolka Banaadir, kaas oo looga hortagayo weerarada Al-Shabaab, Ciyaal weerada iyo kooxaha dhaca geysta.

Howlgala oo sigaar ah looga sameeyay xaafado katirsan degmooyinka Yaaqshid, Kaaraan iyo Heliwaa ayaa Ciidamadu ku baarayeen Gaadiidka noocyadiisa kala duwan, waxaana kormeeray Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Yuusuf Xuseen Jimcaale Madaale.

Guddoomiye kuxigeenka Amniga iyo Siyaasadda Gobolka Banaadir Maxamed Axmed Diiriye Yabooh in Goobihii ay booqdeen ay ku arkeen Ciidamada xasilinta oo wada howlgallo kala duwan oo lagu xaqiijinaya Amniga.

Wuxuu sheegay in Guddoomiyaha Gobolka Banaadir uu Ciidamada uga mahad celiyay sida ay u sugeen Amniga Caasimadda oo ay dhibaato ka geysan jireen Al-Shabaab, Ciyaal weero iyo kooxo dhac geysanayay.

Ugu dambeyn Guddoomiye kuxigeenka Amniga iyo Siyaasadda Gobolka Banaadir Maxamed Axmed Diiriye Yabooh ayaa sheegay in Duqa Muqdisho oo Wakiil ka ah Madaxda Sare ee dowladda uu farriin mahad celin ah gaarsiiyay Ciidamada Booliska ee sida Millateriga u tababaran ee sugaya Amniga Muqdisho.

Tan iyo markii magaalada Muqdisho ay howlgalka ka billaabeen Ciidamada Booliska ee sida Millateriga u tababaran waxaa soo hagaagay Amniga Magalada Muqdisho, iyada oo weli howlgallo ay ka socdaan.

Saraakiisha ciidanka xasilinta caasimada ee Military Police ayaa ka warbixiyay xaaladihii ugu dambeeyay ee amniga caasimada iyo guulaha laga gaaray howl-galada laga fuliyay degmooyinka iyo deegaanada gobolka Banaadir.

 

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News