Laascaanood (Kaab TV) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya madaafiic maanta lagu garaacay magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, madaafiicdan ayaa lagu soo waramayaa in maanta ciidanka Soomaaliland ay kugaraaceen gudaha magaalada Laascaanood.
“Saaka subaxdii hore ayey bilaabeen duqeenta nimankii Soomaali diidka ahaa madaafiicda ayaa waxa ay labeegsadeen goobo badan oo muhiim ah oo uu kujiro Isbitaalka magaalada Laascaanod” ayuu yiri qof kamid ah dadka deegaanka.
Wararka qaar ayaa sheegaya in hada magaalada laga dareemayo dhaqdhaqaaqyo iska soo horjeeda gaar ahaan agaa Goojaacade halkaas oo ah meesha ay isku horfadhiyaan labada dhinac.
“Dhaawacyo aad uyar mooye waxkale oo qasaara ah oo ka dhashay ma ogi balse guryo gubtay weyjiraan” ayuu hadalkiisa kusii daray.
Sidoo kale wuxuu sheegay in madaafiicda ay dhaliyeen khasaare isugu dhaawac iyo burbur soo gaaray dhismayaal ku yaalla magaalada dhexdeeda.
Magaalada Laascaanood waxaa dhowr bilood oo xiriir ah kasocdo dagaalo, dagaaladaas oo ay kunafwaayen kumanaan qofood oo shacab ah halka ay kubarakeceen kumanaan qofood oo u badan dad aan waxbo galabsan.
Dhowr jeer oo hore waxaa fashilmay dadaalo lagu doonayay in lagu soo afjaro colaada daba dheeraatay ee kataagan magaalada Laascaanood oo ay isku hayaan, Somaaliland iyo kuwa SSC Khaatumo.
Xaalada maagaalada Laascaanood ayaa haatan faraha kasii baxaysa ayadoo aan lasaadaalin karin halka ay kudambeen doonto iyo sida ay wax isku badali karaan.