Jowhar (Kaab TV) – Kooxda Al-Shabaab ayaa xaalad amni darro ah ka abuurtay waddada xiriirisa magaalada Muqdisho iyo Jowhar kadib markii shalay galinkii dambe lagu arkay deegaanka Qalimow, rag katirsan Al-Shabaab.
Wararka qaar ayaa sheegaya in gaadiid ay lasocdeen dad shacab ah ay u afduubteen deegaanka, Basra oo kutaala Afgooye.
Kooxda Al-Shabaab ayaa dadkii ay afduubteen qaar kamid ay siiyeen xoriyadooda halka kuwa kalana ay wali gacanta kuhayaan.
Sidoo kale wararka ayaa sheegaya dadka ay wali kooxda gacanta kuheyso ay kujiraan ganacsato oo ay kuhayaan deegaanka Basra.
Saxafiyiinta qaar ayaa sheegaya in kooxda Al-Shabaab deegaanka Qalimow oo marin muhiim u ah waddada xiririisa magaalada Muqdisho iyo Jowhar.
Dhacdadani ayaa walaac ween ku abuurtay waddada Jowhar iyo Muqdisho xiriirsia ayadoo bilihii udambeeyay ay soo badanayeen dadka isticmaala waddadan.
Dhanka kale wax war ah kama soobixin dhanka dowladd goboleedka Hirshabelle iyo dhanka dowladda federaalka Soomaaliya.