Muqdisho (Kaab TV) – Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam oo ku sugan Magaalada Muqdisho ayaa kulan la qaatay qaar ka mid ah Garaadada SSC.
Madaxweynaha ayaa ka dhageystay Garaadada Dhaqanka aragtidooda ku aaddan xal u helidda dhibaatada ka tagaan Gobolka Sool, isagoo kula dardaarmay in ay doorkooda ka qaataan nabadda, walaalnimada iyo xasilloonida bulshada deegaanka.
Garaadada Dhaqanka ee SSC ayaa Madaxweynaha uga mahad-celiyey kulankan iyo soo dhaweynta wanaagsan, waxa ayna soo bandhigeen aragtidooda ku aaddan xaaladda ka taagan Laascaanood, dhibaatada jirta iyo caqabadaha nololeed ee soo food-saaray dadka deegaanka kuwaas oo ka dhashay dagaalka ka socda Laascaanood.
Waxaa madaxweynaha Jubbaland kulanka ku wehlinaayay Guddoomiye ku-xigeenka Labada Aqalka, Wasiiro katirsan Xukuumada iyo Xildhibaano katirsan labada Aqal ee Baarlamaanka JFS.
Arrintan ayaa sii xoojin karta eedeynta dowladda federaalka uga imaaneyso dhanka Somaliland oo marar badan dhaliilo xoogan usoo jeedisay xukuumadda Muqdisho.
Odayaashan ayaa horay ula kulmay madaxweyne Xasan Sheekh iyo R/Wasaare Xamze Cabdi Barre, kuwaasi oo ay ka wada-hadleen arrinta Laascaanood iyo guud ahaan xaaladaha kajira gobollada Sool iyo Sanaag ee waqooyiga Soomaaliya.
Hasayeeshee, arrimahan ayaa imanaya xilli ay weli socoto xiisada dagaal ee xarunta gobolka Sool ee Laascaanood, halkaasi oo ay isku horfadhiyaan ciidamada Somaliland iyo kuwa deegaanka ee SSC, oo dhowr jeer ku dagaalamay halkaasi, kaasi oo uu ka dhashay khasaare kala duwan.