Buulamareer (KAAB ) Laba – weerar oo is xig xiga ayaa ka dhacay todobaad gudahiisa degmada Buulamareer ee Shabeellaha hoose , halkaas oo ay fariisimo ku leeyihiin ciidanka Uganda ee ATMIS.
Weeraradan ayaa degmada Buulamareer ka dhacayay xili salad subax laga soo baxay , halkaas oo kooxda Al- Shabaab ay ka gaysteen khasaare xooggan oo soo gaaray ciidanka ATMIS ee Uganda.
Shabaab war ka soo baxay ayay ku sheegeen in weerarkaas ay ku kaxaysteen saraakiil Ugandays ah halka kuwo kalena ay sheegeen in ay ku dileen weerar ay ku qaadeen saldhiga ciidanka Uganda ee Buulamareer.
HADDA Laba maalin ka dib waxaa lagu soo waramayaa in ay dib ula wareegeen ciidanka Uganda ee ATMIS oo gurmad ka helay saxiibadooda kale ka dib markii kooxda Al- Shabaab ay isaga baxeen saldhiga ay ka qabsadeen Uganda.
Ciidamada Difaaca Uganda (UPDF) oo isugu jira kuwa lugta ah oo hubeysan , ayaa sheegay inay dib ula wareegeen gacan ku haynta magaalada Buulo Mareer iyo tuulooyinka hoos yimaada oo ay Al-Shabaab qabsadeen dhawaan.
Alshabaab ayaa sheegay inay 137 askari oo katirsan ciidamada Uganda ku dileen weerarkaas. Iyagoo soo bandhigay maxaabiis ay ku qabteen weerarka iyo gaadiid dagaal oo ay gubeen.