SO | EN

SO | EN

Mareykanka oo War kasoo saaray duqeyn uu ka fuliyay Jubbada Hoose

|

Muqdisho (Kaab TV) – Taliska Ciidamada Mareykanka ee Afrika ee AFRICOM ayaa sheegay kadib markii codsi ka yimid Dowladda Federaalka Soomaaliya ay weeraro duqeymo ah ka fuliyeen deegaanka Wayanta ee Soomaaliya 1-dii June.

Warsaxaafadeed kasoo baxay taliska ciidamada ee AFRICOM in qiimeyn hordhac ay kasoo baxday duqeen ay kafuliyeen meel 60 KM kaxigta magaalada Kismaayo ay kudhinteen saddex kamid ah Al-Shabaab.

“AFRICOM iyo ciidamada la shaqeeya ayaa sii wadi doona qiimeynta natiijada howlgalkan, waxayna bixin doonaan macluumaad dheeri ah sida ugu habboon. Faahfaahin gaar ah oo ku saabsan unugyada ku lug lahaa howlgalka iyo agabka la isticmaalay lama sii deyn doono si loo xaqiijiyo amniga hawlgallada,” ayaa lagu yiri Warsaxaafadeedka kasoo baxay AFRICOM.

Waxaa sidoo kale warbixintan ayaa lagu sheegay in qiimeynta ay muujineyso in wax shacab ah aysan ku dhaawacmin ama ku dhiman weerarkaas lagu dilay xubnaha Al-Shabaab-ka ah.

Diyaaradaha Mareykanka waxay ciidamada Soomaaliya ka caawiyaan beegsiga kooxda, markii ay dagaalyahanadu galaan dhulka howdka ah, waxaana marar badan la arkay oo lasoo bandhigay meydadka tobanaan Al-Shabaab ah oo dhul howd ah ay diyaaraduhu ku dileen.

Duqeymaha diyaaradaha Mareykanka ayaa muhiim u ah dagaalka ay dowladda Soomaaliya kula jirto kooxda Al-Shabaab oo meel dhexe soo gaaray, rajo badana laga qabo in dowladdu ay kooxda ka adkaato mar aan dheereyn.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News