SO | EN

SO | EN

Warakii ugu dambeeyay ee kulanka Xildhibaanada Golaha shacabka ee maanta

|

Muqdisho (Kaab TV)– Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Soomaaliya ayaa maanta sameeyay dooda ku aadan wax ka beddalka dastuurka KMG ah, gaar ahaan muddo xileedka madaxweynaha iyo labada Aqal oo haatan la gaarsiinayo illaa 5 sanno.

Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Shacabka, Cabdulaahi Cumar Abshirow oo kulanka ka hadlay ayaa meesha ka saaray in ka doodista mooshinkan uu waqtiga ka dhacay, waxaana uu tilmaamay in doodiisa lasii wadayo inta go’aaminayo.

“Mooshinkan waqtigiisu ma dhicin, kalfadhigii hore ayay ahayd in la keeno laakiin waxaa ka xirmay kalfadhiga sidaas darteeda waxaan rajeynayaa in Xildhibaanada ay ku qancaan. Mooshinka maanta go’aan lagama gaarayo balse waa laga doodaa” ayuu yiri Abshirow.

Xildhibaanada ayaa si weyn uga hadlay mooshinkan oo soo billowday bishii Febraayo sanadkan, kaas oo loo xil-saaray guddi uu horkacayo xildhibaan Mahadi Guuleed.

Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa sidoo kale ka horyimid mooshinkan wax looga beddalayo dastuurka, wuxuuna sheegay inuu hakin doono dagaalka adag ee haatan lagula jiro kooxda Al-Shabaab.

“Mooshinkan waxaa ku jira ajandayaal lagu hakinayo dib u xorreynta dalka, isaga dhan hala laabo, sababtoo ah muddo koroorsi nafteenaa halis u gashay, suuragalna maaha in maanta shaqo laga billaabo” ayuu yiri xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.

Dhanka kale, Xildhibaan Xasan Cabdi Ismaaciil ayaa sharci darro ku tilmaamay wax ka beddalka dastuurka, wuxuuna tilmaamay inuu billow u yahay muddo kororsi horleh.

“Mooshinkan wax ka badalka dastuurka sharci ma ahan, waa xaaraan mana waafaqsana dastuurka, waxaana muuqata in uu horgal u yahay muddo kororsi sharci darro ah hal sano ayaan banaanka joogay aniga oo muddo kororsi diidayo. Haddii ay daruur keeneyso waa in loo maraa habraaca saxda ah” ayuu  yiri Xildhibaan Xasan Cabdi Ismaaciil.

Xildhibaan Cabduqaadir Cosoble ayaa isuguna sheegay in la damacsan yahay in mooshikan lagu ijaafeeyo xildhibaanada Soomaaliyeed, laguna rabo mooshin boor isku qaris ah.

“Mooshinkan waxa uu horudhac u yahay waxyaabo la rabo in lagu ijaafeeyo Xildhibaanada oo laga dhigo in ay muddo kororsi raadinayaan” ayuu yiri xildhibaan Cosoble.

 

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News