SO | EN

SO | EN

Dalxa oo ka jawaabay hadalkii Laftagareen

|

Baydhabo (Kaab TV)– Xildhibaan hore Maxamed Cumar Dalxa oo kamid ahaa baarlamaankii 10-aad ee dalka ayaa u jawaabay madaxweynaha dowlad goboeedka Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Laftagareen oo si lama filaan ah uga hadlay doorashadii u dambeysay ee uu xildhibaano badan ku reebay, kuwaas oo uu kamid ahaa Prof. Dalxa.

“Marka ugu horreyso waxaan leeyahay madaxweyne Laftagareen marka loo fiiriyo raggii kale ee dambiga la galay wuxuu muujiyay geesinimo, inuu taas u bareerana waa raganimo Wixii dhacay waxay ahaayeen wax khaldan, mar kalena in lagu noqdo ayaan ka digeynaa” ayuu yiri xildhibaan hore Prof. Maxamed Cumar Dalxa.

Dalxa oo ka jawaabay hadalkan ayaa ugu horreyntii nin geesi ah ku tilmaamay madaxweyne Laftagareen, maadaama  uu qirtay khaladkii uu galay.

Laftagareen oo khudbad jeediyay ayaa a sheekeeyay arrimo cajiib ah oo isagu sameeyay intii ay socdeen doorashooyinkaasi oo ahaa kuwa dadban, isaga oo sidoo kale tilmaamay inuu madaxweynaha Koonfur Galbeed uu u noqday kaliya inuu soo saaro xildhibaano iyo kuwa kalena uu iskaga reebo.

“Aniga waxaan u noqday madaxweynaha Koonfur Galbeed waxa ay ahayd in aan xildhibaano soo saaro qofna aan iraahdo waxba ma lihidee iska bax, qofna aan dhaho waxbaa leedahay intaas ayaan rabaa haddii aanan sameyn karin oo wixiiba shacab ay qabsanaayaan maxaan madaxweyne kasoo doonay”” ayuu yiri Cabdicasiis Lafta Gareen

 

 

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News