Adis Ababa (KAAB ) Madaxwaynaha Dowladda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa markale ku celiyay muhiimada ay leedahay in dalka ay ka dhacdo doorasho qof iyo cod ah oo dadka ay doortaan hoggaamiyaha ay iyaga ay doonayaan.
Hadalkan ayaa Madaxwaynaha Soomaaliya ka sheegay shirka meertada 14aad ee ururka goboleedka IGAD oo ay ku sugan yihiin madaxda wadmada qaarada Afrika.
Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in dadka Soomaaliyeed Dowladiisa ay u jihaysay in doorasho loo dareero , maadama nidaamkii xulashada in muddo ah dalka uu ku jiray.
Waxa uu soo hadal qaaday Madaxwaynaha Soomaaliya heshiiska madasha wada-tashiga Qaran ee doorashada lagu gaaray oo uu ku tilmaamay inuu ahaa mid dhabaha u xaari kara in dalka uu ka dhaco isbedel.
Waxa uu sheegay in heshiiskii lagu gaaray shirkaasi, ay hadda ka shaqeynayaan golayaasha dowladdu hirgalinta heshiiskaas.
Xasan Sheekh ayaa waxa kale oo uu madaxda IGAD la wadaagay in dowladdu tallaabooyin u qaaday dhinaca horumarinta nidaamka dowladeed, iyada oo la joogteyanayo kulamada golaha Wadatashiga Qaranka.
Madaxwaynaha Dowladda Soomaaliya ayaa soo hadal qaaday howlgalka ciidanka Dowladda ay ku doonayaan in ay kaga adkaadaan kooxda Al- Shabaab waxaana uu xusay in Dowladda ay la wareegtay deegaano badan oo ay maamuli jireen kooxda Al- Shabaab.