SO | EN

SO | EN

Xildhibaan Dhaashane oo sheegay ujeedka weerarkii loogu soo qaaday

|

Garoowe (Kaab TV) – Xildhibaan Cabdiqani Dhaashane oo ka tirsan Golaha Wakiilada Puntland ayaa sheegay in Rag hubaysan ku weerareen hoygiisa oo ku yaala Magaaladaa  Garowe , xilli uu ka soo laababtay marti soor.

Xildhibaan Cabdiqani Dhaashane ayaa shir jiraa’id  habeen hore ku qabtay Magalada Garowe ayaa ku eedeyay Ragga isaga weeray in ka tirsan Mucaaradka diidan in la qabto doorashada Golayaasha degaanka ee 3ada degmo iyo in wax laga bedelo dastuurka Puntland.

Xildhibaan Dhaashane ayaa sidoo kale waxaa uu yeeshay in kooxda soo weerartay ay ugu hanjabeen dil isaga iyo 6 xildhibaan oo ka tirsan baarlamaanka Puntland.

Ugu dambeeyntii Xildhibaan Cabdiqani Dhaashana ayaa wuxuu shaaciyay in kooxda isaga soo weeratay ay yihiin kuwo ka soo horjeda Hannaanka Dimoqraadiyada Puntland  isaga iyo Xildhibaanada kale ee Baarlamaanka Puntland aysan Cabdsi gelin Karin.

“Waxaan ka imid hoteel Martisoor kadibna waxaa iga soo raacay labo baabuur, markii aan usoo leexday xaafadayda gurigayga hortiisa marayey waxaa la igu horgooyey baabuur weyn oo daaqadu u furan yahay waxaana kasoo degay shan nin oo wajigu u xiran yihiin qoryana wata, shantaa nin waxaa daba taagna gaari kale oo gaarigayga lagu dabo gooyey oo afar nin oo kale saarnaayeen,” ayuu yiri xildhibaanka. 

“waxaa la igu billaabay xabad waxaa la damcay in gaariga xoog la igaga soo saaro, afar nin baa gaariga daaqadaha furtay, ninkii daaqadayda furay baan qoriga ku qabsaday markii aan ku qabsadayna nabarka dhaawaca ah baa isoo gaaray, ninkii kale oo i dhinac taagnaa baa qorigiisa wuxuu igala dhacay wajiga, nimankaasi waxay lahaayeen ma adiga dastuur furi kara oo isku dayi kara berri inaa dastuur furtid,” ayuu yiri xildhibaan Dhaashane.

Weerarka lagu qaaday xildhibaan Dhaashane ayaa kusoo aaday iyadoo shacabka Garoowe dariiqyada ku arkayeen waraaqo digniina oo ka dhan ah inaan la furin dastuurka Puntland.

 

 

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News