Garowe (KAAB) Maamul goboleedka Puntland ayaa digniin u diray Somaliland oo la sheegay in ay damacsan tahay in deegaanada labada dhinac ay ku mursan yihiin in ay ka qabato imtixaanka shaahadiga.
War qoraal ah oo ka soo baxay Puntland ayaa lagu sheegay in marnaba suurtagal ahayn danaca Somaliland ee ah in ay imataxaanka ay ku qaado gobolada Sanaag iyo Heylaan.
Warka ka soo baxay Wasaaradda Waxbarashada Puntland ayaa looga digay dhammaan dugsiyada Waxbarashada gobolka Sanaag in aysan geli karin imtixaanka Somaliland
“Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee Dowlada Puntland waxay ku wargalinaysaa Dugsiyaddaas Degaandaas Puntland Sanaag iyo haylaan in aysan galin karin Imtixaanka Somaliland” ayaa lagu yiri qoraaka.
Wasaarada ayaa sheegtay in iskuulkii ku yaalla labadaas gobol ee ka qeyb ka qeyb qaata imtixaanka Somaliland lagala laaban doono aqoonsiga.
Wasaarada ayaa sheegtay in iskuulkii ku yaalla labadaas gobol ee ka qeyb ka qeyb qaata imtixaanka Somaliland lagala laaban doono aqoonsiga
Somaliland ayaa lagu soo waramayaa in sanadkan ay qorshaynayso in ay qorsheynayso in imtixaanka shahaadiga ah geyso gobolo ay kamid tahay Sanaag