Beledweyne (KAAB TV) – Guddoomiyaha xilka laga qaaday Cali Jeyte Cusmaan ayaa ka biyo diiday inuu u hoggaaansamo xil ka qaadista lagu sameeyay maanta ka dib wareegto ka soo baxday Madaxwaynaha Hirshabeelle
Shirjaraa’id oo maanta uu ku qabtay magaalada Beledweyne ayuu ku sheegay Cali Guudlaawe in aysan waxba ka jirin ogolaan doonin warqada ka soo baxday Madaxweynaha Hirshabelle, Cali Guudlaawe.
Waxa uu ku nuux nuuxsaday Cali Jeyte in ay ka baxayaan maamulka Hirshabeelle isla markaana ay noqon doonaan maamulka ka madax banaan Hirshabeelle sida uu yiri.
Waxa uu yiri ”Hiiraan waxa la dhahaayo Hirshabelle ma aqoonsana”, isagoo ku dhawaaqay maamul uu ugu magic daray Hiiraan State.
Hadalka ka soo yeeray Cali Jayte ayaa la saadaalinayaa inuu sii adkeynayo xaalada gobolka Hiiraan waxana Guudlaawe uu wareegtidiisa uu ku sheegay inuu kala tashtay xil ka qaadista Cali Jeyte ku xigeenkiisa Yuusuf Dabageed.
Si kastaba xaalada gobolka Hiiraan ayaa u muuqda mid qasan dhanka siyaasadda isla markaana uu soo baxayo muran la xiriira hanaanka maamul taas oo culays kale ku kordhin karta Dowladda Soomaaliya.
Wararka ayaa sheegaya in maleeshiyaad hubeysan oo hab qabiil u abaabulan, kana careysan xil ka qaadista Cali Jeyte, ay maanta xirteen qaar ka mid ah waddooyinka magaalada Beledweyne.