Muqdisho (Kaab TV) – Axmed Ducaale Geelle Xaaf oo ahaa madaxweynihii hore ee dowladd goboleedka Galmudug ayaa siween udhaleeceeyay dowladda uu hoggaamiyo Xasan Sheekh, isagoo tilmaamay in waligiis uusan arkin dowlad ka liidata dowladda Xasan Sheekh uu hoggaamiyo.
Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa hadalkaan ka sheegay munaasabad ay ku caleema-saarayeen Suldaanka beeshiisa, ayaa tilmaamay in dowladda uu dhaliilayo, laakiin uusan mucaarad ku aheyn.
“Wali ma aysan soo marin dalkan dowladdan mid ka liidata, waxaan soo joogay waayo badan, welina ima aysan soo marin tanoo kale bal aan faataxada u marno in ilaahey toosiyo,” ayuu yiri Xaaf.
Sidoo kale wuxuu yiri “Sanadkaan aad bey uliidataa, dowladnimadii xitaa dhib badan ayaa ka jira, horta bal dowladaan aan faataxada u marno, dowladaan federaalka iyo dowlad goboleedyadaba dadkii waa ku dhex dhinteen, Soomaali maanta ayey ugu liidataa wax badanaan soo joogaye,” ayuu yiri Xaaf.
“Anigu waayahaan ma arkin dowladda waaweyn ee cidii aragta ha iiga war geyso, war sidaan hala isku dhaamo xaalku ma fiicnee.” ayuu yiri Xaaf.
Dhanka kale wuxuu sheegay “Sidaan waxaaba ka roon in dowlad goboleedyada kaliya la ahaado oo federaalka meesha laga saaro, hadii gobol kasta uu rabo in kaligiis uu is xukumo, maamul goboleed hala wada noqdo, xaalku ma fiicnee towfiiqda Allaha na waafajiyo, madaxdana Allaha noo toosiyo,” ayuu hadal kiisa sii raaciyay Xaaf.