SO | EN

SO | EN

Deni oo Magacaabay xilalkii ugu badnaa oo ay ku jiraan Taliyeyaal & Gudoomiyeyaal gobol

|

Garoowe (Kaab TV) – Madaxweynaha Puntland Saciid C/llaahi Deni ayaa caawa soo saaray wareegtooyin dhowr ah oo lagu magacaabay xilal kala duwan oo iskugu jira gudoomiyeyaal gobol, taliyeyaal ciidan, agaasimayaal iyo xilal kale.

Deni ayaa xilalkii ka qaaday masuuliyiintii iyo saraakiisha amniga ee gobolka Nugaal oo xaruntiisa magaalada Garowe oo sidoo kale ah caasimada Puntland ay maalmo ka hor ka dhaceen dagaalo ka dhan ah maamulkiisa oo ay wadeen siyaasiyiin mucaarad ah.

Xilalka la magacaabay waxaa ka mid ah

1-Cabdiraxamaan Abshir Faarax waxa loo magacaabay Guddoomiyaha Gobolka Nugaal.

2-Mukhtaar Faarax Jeer Guddoomiye Ku-xigeenka 1-aad Gobolka Nugaal

3-Cabdiraxmaan Ciise Maxamed (Bariir) Guddoomiye Ku-xigeenka 2-aad ee Gobolka Nugaal

4-Cabdi Cali Qarjab La-taliyaha Madaxweynaha ee Arimaha Gudaha iyo Amniga.

  1. Qaalib Xasan Maxamuud Baaruud La-taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Saxaafada iyo Wacyigelinta.

6- G/Sare Maxamed Cali Axmed Taliyaha Qaybta Boliiska ee Gobolka Nugaal

7- G/Sare Xuseen Cali Maxamuud Taliyihii hore Qaybta Booliiska Gobolka Nugaal loo bedelay Taliyaha Qabta Boliiska Gobolka Karkaar

8-Waxaa G/Sare Aadan Axmed Cali loo magacaabay Taliyaha Qaybta Boliiska ee Gobolka Sanaag

9-Waxaa G/Sare Fu’aad Maxamud Xuseen loo magacaabay Taliyaha Qaybta Boliiska ee Gobolka Gardafuu.

10-Waxaa Cumar Cismaan Siciid loo magacaabay Guddoomiyaha Gobolka Gardafuu.

11-G/Dhexe Qaasim Jaamac Shire waxaa loo magacaabay Taliyaha Ururka Danab ee Kamaandosta Ciidanka Madaxtooyada Puntland.

12-Waxaa Maxamed Cabdullaahi Ismaaciil loo magacaabay Xisaabiyaha Guud ee Dowladda Puntland

13-Waxaa Axmed Jaamac Jawle loo magacabaay Agaasimah Guud ee Wasaaradda Maaliyadda.

14-Waxaa Cabdulqaadir Axmed Xaashi loo magacaabay Agaasime Ku-xeenka Guud ee Dakhliga ee Wasaaradda Maaliyadda

15-Waxaa Cabdiraxmaan Yuusuf Cigaal loo magacaabay Agaasime Ku-xeenka Guud ee Maamulka ee Wasaaradda Maaliyadda

16-Waxaa Yuusuf Maxamed Faarax (Geesa Wayne) loo magacaabay Agaasime Ku-xeenka Guud ee Bankiga Dowlada Puntland

17-Waxaa Maxamed Cali Faarax (Faramyeeri) loo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dowladda Puntland

18-Waxaa Eng. Cabdulqaadir Cabdidaahir Maxamed loo Magacabay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorsheynta, Horumarinta Dhaqaalaha iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Dowladda Puntland

19-Waxaa Maxamuud Xassan Maxamed (Cawil Mataan) loo magacaabay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Amniga iyo Dowladda Puntland

20-Waxaa Sharmaarke Yaasiin Cali loo Magacabay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda

21-Waxaa Xasan Maxamed Ciise (Goodir) loo Magacabay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Xanaanada Xoolaha

22-Waxaa Shaafici Maxamed Ismaciil loo Magacabay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Deegaanka Daaqa iyo Isbedelka Cimaladda

23-Waxaa Cabdixakiin Maxamed Cismaan loo Magacaabay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka

24-Waxaa Cabdifitaax Salaad Aadan loo Magacaabay Agaasimaha Guud ee Hay’adda Maamul wanaaga.

25-Waxaa Axmed Naxar Siciid Aw-nuur loo magacaabay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News