Beledweyne (Kaab TV) – Waxaa Maanta xiran Garoonka diyaradaha Ugaas khaliif ee Magalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan kadib warqad xalay kaso baxday Gudoomiyihii xilka laga qaaday ee Gobolka hiiraan Cali jeyte Cismaan.
Muddo Afar Maalin ah ayuu amray Cali jeyte in wax diyaarad ah kasoo deign Garoonka magaalada Beledweyne marka laga reebo kuwa sida Hay’adaha Qaramada Midoobay iyo kuwa Jaadka.
Goobjoogayaal ku sugan Magaalada Beledweyne ayaa sheegay in Maanta wax diyaarada ah kasoo degin garoonka Ugaas Khaliif, isla markaana ay jiraan dad badan oo ku xayiran magaalada.
Dhanka kale Madaxweynaha Hir-Shabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa faray Ciidamada ATMIS ee ku sugan Beledweyne inay xaqiijiyaan amniga Garoonka diyaaradaha, in kastoo warkaas eysan weli kasoo jawaabin ATMIS.
Arrimahan ayaa kusoo aadayo, ayadoo ey sii xoogeysaneyso xiisaddii ka dhalatay xilka qaadistii Cali Jayte, taas oo keentay khilaaf horleh oo haatan ka taagan HirShabelle.