MUQDISHO (KAAB TV) – Saalax Ibraahim Dhiblaawe oo loo yaqaano Saalax Dheere oo ah hadda xubin ka tirsan Maxkamadda Sare ayaa lagu eedeynayaa inay ku maqan tahay lacag gaareysa 52,607 taasoo uusan wax xisaab celin ka sameynin sannadkii 2017.
Warqad uu qoray Guddoomiyihii Maxkamadda Sare Ibraahim Idle Sulaymaan 10 December 2017, ayuu ku amray Guddoomiyihii Maxkamadda Racfaanka waqtigaas Saalax Dheere inuu soo xisaab celiyo lacagta.
Warqadda ayaa ujeedkoodu ahaa “Sixitaan khaladaad soo if baxay”. Warqadda waxay Xafiiska Maxkamadda Racfaanka gaartay 12 December 2017.
Sida ku cad warqadda, Garyaqaan Ibraahim Iidle ayaa daba joogay lacag gaareysa USD 52,607 oo ku maqan Saalax Dheere. Ibraahim Iidle wuxuu kaloo ka hadlay in hawlaha dhakhli ururinta loo dhiibo shaqaale rasmi ah oo xirfaddaas yaqaan. Warqaddan waxaa kaloo loo diray Xafiisyada kala ah: Hantidhowraha Guud, Maxkamadda Gobolka Banaadir iyo Maxkamadaha Degmooyinka Gobolka Banaadir.
Sida ay xaqiijinayaan xubno ka tirsan maxkamadda, Saalax Dheere ayaa dalka ka dhoofay markii warqaddan ay soo baxday, wuxuuna muddo ku maqnaa Suudaan iyo Kenya. Saalax Dheere ayaa ku soo laabtay dalka markii uu Baashe Yuusuf noqday Guddoomiyaha Maxkamadda Sare.
Saalax Dheere weli masoo celin lacagtaasi.
Xubno ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa xaqiijiyay in Saalax Dheere uu diiday in wax laga weydiiyo lacagta ku maqan.
Guddoomiyaha Maxkamadda Sare, Baashe Yuusuf, oo mar isku dayey inuu Saalax Dheere wax ka weydiiyo lacagta ayaa loo hanjabay.
Qaar ka mid ah xildhibaannada Baarlamaanka Federaalka ayaa iyaguna sheegay in mar haddii dowladdu ku dhawaaqday dagaal ka dhan ah musuqmaasuqa inay tahay in baaritaan lagu sameeyo lacagta ku maqan Saalax Dheere.