SO | EN

SO | EN

Cali Jayte “Xasan Sheekh kuuma imaanayo ee la laabo casuumadaada”

|

MUQDISHO (KAAB TV) – Waxaa soo baxaya warar sheegaya in madaxwaynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud uu casuumaad uu u fidiyay Guddoomiyihii xilka laga qaaday ee gobolka Hiiraan Cali Jayte Cusmaan.

Cali Jayte ayaa maalmo ka hor sheegay inuu yahay Madaxwaynaha maamulka la magaca baxay Hiiraan State  ka dib markii uu meel xun gaaray khilaafka madaxda maamulka Hirshabeelle.

Warar ayaa sheegaya in  Cali Cusmaan uu iska diiday casuumad  uu u fidiyay Madaxwayne Xasan Sheekh  Maxamuud  taas oo  ujeedkeedu uu yahay sii looga hadli lahaa khilaafka ka dhax jira Hirshabeelle.

Cali Jayte Cusmaan ayaa magaalada Beledwayne ee gobolka Hiiraan waxa uu ku haystaa ciidamo badan oo qaab beeleed u abaabulan taas oo cabsi galisay dowladda Soomaaliya.

Cabsida ugu badan ee uu qabo Cali Jayte ayaa ah haddii uu yimaado magaalada Muqdisho oo loo diido inuu dib ugu laabto magaalada Beledwayne oo uu ku xoogan yahay hadda.

Si kasta  Dowladda Soomaaliya ayaa isku dayaysa in ay  soo fara galiso xaalada maamul goboleedka Hirshabeelle oo khilaaf uu hareeyay.

 

 

 

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News