MUQDISHO (KAAB TV) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa wada dadalo la xiriira sidii xal ey uga gaari leheyd khilaaf kala dhexeeyo Maamulka Puntland, sida ay Warbahinta u xaqiijiyeen ilo wareedyo lagu kalsoon yahay.
Dawladda Federaalka ayaa walaac ka muujisay war dhawaan ka soo yeeray wasiirka Maaliyadda maamulka Puntland Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad oo dalbaday in la hakiyo Hannaanka Deyn cafinta Soomaaliya , inta laga Xalinayo khilaafka siyaasadeed ee u dhexeya Madaxada Puntland iyo Dawladda Federalka Soomaaliya Heshiisna laga gaarayo Khilaafkaas.
Wararka ayaa sheegaya in Madaxyooyada Soomaaliya ay wado dadaalo xal loogu raadinayo Tabashada Puntland ay ka qabto Dawladda, sidoo kalena Villa Soomaaliya ay bilowday in ay xiriir lasameyso Madxda Maamulka Puntland iyo siyaasiyiintooda si loo dhammeeyo khilaafka Taagan.
Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa doonaya in deg deg loo bilaabo wada-hadalka labada dhinac, si heshiis siyaasadeed looga gaaro khilaafka Puntland kala dhexeya Madaxtooyada Soomaaliya , islamarkaana looga baaqsado in uu fashilmo barnaamijka deyn cafinta dalka.
Ma jira ilaa hada wax war ah oo ka soo baxay Madaxda Puntland ee ku aadan in ay la soo xiriireen Xubno ka socda Madaxyooyada Soomaaliya si xal looga gaarao khilaafka siyaasadeed ee Puntland iyo Dawladda Federaalka Soomaaliya.