SO | EN

SO | EN

Koofi: “Xeer ilaaliyaha Qaranka waa dhibbane aan shaqadiisa loo madax banneyn”

|

Nairobi (KAAB) – Agaasimihii hore ee heyadda socdaalka jinsiyadaha ee DF Maxamed Aadan Koofi ayaa beeniyey inuu wax qalad ah sameeyey mudadii uu xilka hayey.

Hadalkiisa ayaa yimid saacado ka dib markii xeer ilaalinta Qaranka ay baahisay magacyada 18 masuul oo ka tirsanaa DF kuwaasoo lagu eedeynayo iney ku kaceen musuq iyo xatooyo xoolo dadweyne, waxaana ku jiray liiskaas Koofi iyo masuulka xilka kaga dambeeyey Cabduqaadir Cilmi Cali Cabdul oo labadaba la sheegay iney u baxsadeen dalka dibediisa.

Hay’adda aan ka soo shaqeeyey.

1) Waajibaadkeeda kuma jirin qabasho dakhli ama wax lacag qabasho ah.

2) Sanad kasta, laba heer oo baaris Hanti-dhowr ah ayaa lagu sameynayey hay’adda Hanti-dhowr guud iyo midka gudaha, mana jirin wax dayac ama xoolo maqan ah oo la sheegayey.

3) Shaqada hay’adda waxaan qoraal ku wareejiyey sanado ka hor, waxaana marqaati aheyd dowladdii xilligaas, mana jirin hal shey oo ka dhunsanaa ama ka dayacnaa waajibkii la ii igmadey.

Ujeedada laga leeyahey hore ayaan uga hadley, hase ahaatee, dhareerka Eeyga, haddii uu ku gaaro, todobo jeer, ayaa la iska dhaqaa, wax kale oo dhib ahna ma lahan!

Xeer ilaaliyaha, raalina ha iga ahaadee, waxaan u arkaa in uu yahey dhibbane aan shaqadiisa loo madax banneyn, waana dareemi karaa culeyska jira.

Dhammaan ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaan, taageereyaasheyda, waan ka raali gelinayaa, aflagaadada loo geystey maanta!

Ugu danbeyn, Imaam aad ogtahey in uusan wayso qabin, kuma qasbanid inaad Salaadda ku xirato.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News