Xeer Ilaalinta Qaranka oo Mas’uuliyiin hor leh u xirtay Musuq

|

Muqdisho (KAAB) – Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa shaaciyey iney sii korodhay tirada dadka loo xiray illaa hadda kiisaska musuqa ee ka dhex jira heyadaha DF qaarkood.

Sida uu xaqiijiyay Xafiiska Xeer ilaaliyaha Qaranka 10 Masuuliyiin horleh ayaa xabsiga la dhigay Baaris ayaana ku socota halka laba masuul ay baxsad ka yihiin Cadaaladda.

Xafiiska Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa sheegay in 40 ruux loo qabtay Musuq, 18 ka mid ahna Eeddooda Maxkamadda loo gudbiyay 12 kalena ay Baaris ku socota

“Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa saddaxdii bil ee lasoo dhaafay ku guuleystay in uu baaris ku sameeyo ku dhawaad 40 ruux oo ku eedeysan inay ku kaceen falal isugu jira Musuq-maasuq, xatooyo xoolo dadweyne, ku tagrifal awoodeed iyo dayacaad masuuliyadeed” ayaa lagu yiri qoraal laga sii daayey warbaahinta afka dowladda kuhadasha.

Dhankale majirto ilaa hada Wasiir ama shaqsiyaad kale oo lagu eedeeyay musuq-maasuq iyo xatooyo xoolo dadweyne, iyadoo loo sababeeyay in eysan xeer ilaalintu kudhiiran karin in ey baaris kusameeyaan Wasiiradda.

Sidoo kale waxaa ilaa hada muuqata in musuq-maasuqa lagu eedeeyay masuliiyiin ey darajadooda dhaafsaneen agaasimeyaal, mana jirto Wasiir ama shaqsi kale oo lagu edeeyay musuq-maasuq iyo xatooyo xoolo dadweyne.

Afartanka Ruux ee baarista lagu sameeyay ayaa dhammaantood ah saraakiil dowladeed sida ku xusan qoraalka, waxaana 18 eedaysane loo gudbiyay eedoodda Maxkamadda awoodda u leh, tirada dhiman ayaa wali waxaa ku socdo Baaris dheeri ah, waxaana marka ay soo dhamaato baaristu loo gudbin doono Maxkamadda awoodda u leh.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News