MUQDISHO (KAAB TV) – Qalab isugu jira kaamirooyin iyo agabka xiriiriya istuudiyaasha telefishanka oo deeq ahaan dowladda Finland ugu deeqday Telefishanka Dowladda Soomaaliya ee magaalada Muqdisho ayaa la xaqiijiyay in laga qaatay xarunta Wasaaradda Warfaafinta.
Mid kamid ah shaqaalaha istuudiyayaasha telefishinka oo sababo ammaan dartood magaciisa aan u qarinnay ayaa noo sheegay in agabkan ay qaateen mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda Warfaafinta, lana tuhunsan yahay in la geeyay goobo kale oo si gaar ah loo leeyahay.
Tani waxay noqoneysaa qirashadii ugu horreysay oo hawl-wadeennada Wasaaradda Warfaafinta ku qirtaan in qalab deeq ahaan loogu keenay wasaaradda la musuqmaasuqo.
Bil ka hor ayaa waxaa soo baxday in Xafiiska Hanti-Dhowrku uu ku hawlan yahay baaritaanka qalab FM-yo ah oo sida la sheegay deeq ahaan loo siiyay Wasaaradda Warfaafinta ayna bixiyeen Qaramada Midoobay laga iibsaday warbaahinno gaar loo leeyahay.
Qalabka maqan
Qalabka maqan ayaa ka kooban kaamirooyinka Sonny PXW-Z150 4K XDCAM CAMRECORDER (3 xabo) iyo kaamirooyinka war-wareega ee Blackmagic Studio Camera HD (3 xabo). Dhammaan qalabkan ayaa waxaa deeq ahaan u bixisay Finland oo soo marsiisay Hay’adda VIKES oo xiriir la leh Wasaaradda Warfaafinta.
Waxaa lagu qiyaasayaa in qalabkan qiimihiisu gaarayo tobannaan kun doolar.
Sida uu baahiyay SNTV 27 Oktoobar 2019, “Dowladda Finland oo ay wakiil ka tahay hay’adda VIKES ee laga leeyahay dalkaas ayaa qalab casri ah ku wareejisay Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed waxaa qalabka guddoomay una mahad celiyay dowladda iyo shacabka reer Finland Agaasimaha Guud ee (xilligaas) Wasaaradda. Agaasimaha Guud xilligaas wuxuu Cabdiraxmaan Al-Cadaala oo hadda ah Wasiir ku Xigeenka Warfaafinta.”

“Agaasimaha telefishinka iyo nin ka socda Wasiir ku Xigeenka Wasaaradda ayaa bil kahor istuudiyaha iigu yimid anigoo heeganka shaqada ku jiro, waxayna igu amreen in aan bannaanka uga baxo istuudiyaha. Waxaan iska fariistay fadhiga SNTV anigoo aan wax shaki ah qabin. Waxyar ka bacdi ayaa waxaa i agmaray labo nin oo qalabka farsamayaqaanada wato oo ”face mask” xiran,” ayuu yiri mid ka mid ah farsamayaqaannada oo Kaab TV la hadlay.
“20 daqiiqo meelahaas markii ay ka soo wareegtay ayeey labadii nin oo kaameradaha istuudiyaha weyn oo noocoodu yahay Black-magic oo ay dowladda Finland SNTV ugu deeqday ka soo baxeen waxayna toos u aadeen xafiiska agaasimaha telefishinka, Maxamedkaafi,” ayuu sii raaciyay.

Qof ka tirsan shaqaalaha SNTV ayaa isaguna noo sheegay in kaamirooyinka telefishinka qaranka la geeyay guri ku yaalla degmada Waaberi, halkaasoo la aaminsan yahay in uu ku yaallo goob istuudiyow ah oo gaar loo leeyahay.
Sida ay sheegayaan shaqaalaha SNTV, Agaasimaha SNTV ee hadda, MaxamedKaafi Abuukar, ayaa sidoo kale wax ka leh urur lagu magacaabo CAFIS oo sida la sheegay furtay istuudiyaha ku yaalla degmada Waaberi.
Arrintan ayaa imaanaysa xilli ay dowladda Soomaaliyeed ku jirto hawlgal ay sheegtay inay kula dagaalamayso musuqmaasuqa iyo boobka hantida qaranka Soomaaliyeed.
Dhanka kale, Xafiiska Xeer ilaalinta Guud ayaa 22 bishii Juun 2023 shaaciyay in la soo xiray saraakiil ka tirsan Wasaaradda Warfaafinta oo lagu eedeeyay xatooyo iyo musuqmaasuq, kuwaasoo illaa hadda aanan la horkeenin maxkamad.
Ilo xog ogaal ah ayaa sidoo kale sheegaya in labo mas’uul oo kale oo ka tirsan Wasaaradda Warfaafinta hadda lagu wado baaritaan la xiriira lunsasho miisaaniyad dhaqaale.