Dab xooggan oo ka kacay Xarumo Ganacsi oo ku yaalla Boosaaso

|

Boosaaso (KAAB) – Magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari ayaa dab xoogan oo geystay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac iyo burbur Hantiyadeed uu ka kacay Xarun ganacsi oo lagu Magacaabo Fadhisamo oo halkaasi kutaalla.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen in dabka uu ku bilowday qarax laga maqlay gudaha xaruntan ganacsiga, waxaana dabka ku baaba’ay inta badan Hantidii taallay Xarunta Ganacsi, wallow markii dambe lagu guuleystay in la demiyo dabka.

Wararka ayaa waxaa ay intaasi kudarayaan in mid kamid ah gaadiidka dab demiska ee gurmadka goobta u tegay oo farriin goostaya uu sababay dhimashada Nin lagu Magacaabi jiray Maxamed o kamid ahaa dadkii ugu horreeyay ee goobta u soo gurmaday iyo dhaawaca 7 Ruux ah.

Gaadiidka dab demiska iyo inta badan bulshada magaalada Boosaaso oo tegay goobta uu dabka ka kacay ayaa ku guuleystay demintiisa, wallow Xarumo kale oo ku dhegan uu ku fiday, waxaana qaar kamid ah Ganacsatada Xaruntaas ay Warbaahinta u sheegeen inay hanti farabadan ku gubatay.

Ciidanka xoogga Puntland ee PSF ayaa tegay sidoo kale xarunta Ganacsiga Fadhisame Boosaaso ee uu dabka ka kacay , iyaga oo qayb ka ahaa ciidamada sugayay Ammaanka intii ay socotay deminta dabka.

Waa Xaruntii labaad ee uu ka kaco dab khasaaro geysta oo kutaalla Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka bari, waxaana qaar kamid ah siyaasiyiinta Puntland ay sheegeen in burburin lagu haayo ganacsiga degaannada Puntland.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News