Muqdisho (KAAB) – Shirka Wadatashiga ee u dhaxeeya Madaxda Qaranka, Madaxdii hore ee dalka xilalka uga soo qabatay iyo siyaasiyiinta ayaa maalintii labaad ka socda hotelka Decale ee Magaalada Muqdisho.
Waxaa maanta shirka ku biiray Guddoomiyaasha labada golaha ee Baarlamaanka federaalka iyo R/Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xamze Cabdi Barre.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa guddoominaya shirka oo qorshuhu yahay in maanta lasoo gabagabeeyo ayna ka soo baxaan qodobo muhiim u ah Masiirka Ummadda.
Dhanka kale Wararkii ugu dmabeeyay ayaa sheegaya in shirka maanta uu ka duwan yahay kii shalay, isla-markaana uu yahay mid xasaasi ah oo lagu gorfeyn doono arrimo masiiri ah.
Arrimaha maanta laga wada doodi doono waxaa kamid ah muddo xileedka madaxweynaha iyo madax goboleedyadaa amniga, dastuurka iyo doorashooyinka oo ah kuwa muhiim ah.
shirkan ayaa kusoo aaday, xilli xasaasi ah, isla-markaana ay taagan tahay xaalad siyaasadeed oo ka dhalatay heshiiskii ay dhawaan gaareen Golaha Wadatashiga.

