Xasan Sheekh oo Magaacabay Gudoomiyaha Bankiga dhexe ee Soomaaliya

|

Muqdisho (KAAB) – Xassan Shiikh oo magaacabay gudoomiyaha Bankiga dhexe ee Soomaaliya madaxweynaha dowlada Somaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi mar kale u magacaabay guddoomiyaha Bankiga Dhexe ee Soomaaliya.

War-saxaafadeed lagu daabacay barta Twitter-ka ee Bankiga Dhexe ayaa magaabistan lagu baahiyey iyadoo Muddo xileedka cusub ee guddoomiyaha uu noqon doono afar sano oo ka bilaabaneysa 17-kii bishan July.

Sidoo kale, dib u habeynta lagu gaaray waxaa ka mid ah nidaaminta Adeegga Lacagaha Taleefannada, Sameynta Kaabayaasha Lacag-bixinta Qaranka, Hirgelinta Lambarka Xisaabta ee Bankiga Caalamiga ah IBAN, iyo in la qaato Heerarka Jawaab-celinta Degdegga ah ee Qaranka Soomaaliyeed.

Dhanka kale, waxaa qorshayaalkan gacan weyn kageystay hormarinada iyo kamid ahaanshaha maaliyada iyo, hufnaanta waaxaha maaliyada sidoo kale wadashaqeynta gudaha lacag bixinta ee Soomaaliya.

Ugu dambeyntii Bankiga dhexe ee Soomaaliya ayaa helay warbixin sannadeed maaliyadeed ee sannadka saddexda ee isku xig xigta.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News