Garoowe (KAAB) – Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Puntland, Cabdirashid Yusuf Jibriil Cawil oo ay weheliyaan Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad Cabdicasiis Cabdullahi Cusmaan iyo Guddoomiye ku xigeenka 2-aad Ismaaciil Maxamed Warsame, ayaa maanta Shir guddoomiyey fadhiga 14-aad ee Kalfadhiga 52-aad ee golaha Wakiillada dawladda Puntland.
Sidoo kale, Fadhiga maanta ayaa qorshe hawleedku ahaa ka shaqeynta Wax-ka-bedelka Xeerka Ilaalinta iyo Maareynta deegaanada dawladda Puntland oo ay xukuumaddu soo gudbisey.
Guddoomiyaha Golaha Wakiillada ayaa hadalka siiyey Guddiga Arrimaha Deegaanka iyo Khayraadka Dabiiciga Golaha Wakiillada kaas oo akhriska 2aad ku sameeyay, kadib la tashiyo uu la yeeshay dhammaan dhinacyada xeerka saameynta ku leeyahay.
Akhrinta 3aad ee xeerka kadib waxaa Goluhu uu guda galay qodob-qodob uga doodista & wax-ka-bedelkiisa.
Sidoo kale, wax-ka-bedelka Xeerka Ilaalinta iyo Maareynta Deegaanka ayaa si faah-faahsan uga hadlaya Arrimaha Deegaanka guud ahaan, waxayna doodiisa soctay maalihii la soo dhaafay.
Dhanka kale, xeerka ayaa si faah-faahsan uga hadlaya Horumarinta nolosha iyo bad-qabka dadka, duurjoogta, duunyada, habka ka faa’idaysiga kheyraadka dabiiciga ah, habka waara oo xaqiijiya mustaqbalka jiilka maanta, kuwa berrito Dib u hagaajinta deegaanka iyo ka hortagga xaalufka iyo saamaynta xun ee isbedelka cimilada.
Intaas kadib, Xildhibaannada Golaha Wakiillada dawladd goboleedka Puntland, waxay maanta Cod aqlabiyad leh ku meelmariyeen Ansixinta Wax-ka-bedelka Xeerka Ilaalinta iyo Maareynta Deegaanka Dawladda Puntland, Waxaa Oggol ugu codeeyay 43 mudane, cid diiday ma jirin, cid ka aamustayna ma jirin.
Dhanka kale, Xildhibaannada Golaha Wakiillada dawladd goboleedka Puntland ayaa Cod aqlabiyad leh ku meelmariyeen Ansixinta Gobolka cusub ee Raas Casayr ee horay loo oran jiray Gobolka Gardafuu.
Sodoo kale, waxaa codeeyay 44 xildhibaan, waxaa diiday labo xildhibaan, cid ka aamustayna ma jirto.
Hasayeeshee, waxaa maanta Xildhibaanada loo qeybiyey Qabyo qoraalka Xeerka aas-aasiga ah ee Bangiga dawladd goboleedka Puntland.

