Golaha Wasiiradda oo maanta yeeshay kulankoodi Toddobaadlaha oo arrimo badan looga hadlay

|

Muqdisho (KAAB) – Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay rhirkoodi Toddobaadlaha ah ee oo uu shir guddoominayey R/Wasaare Xamze Cabdi Barre, ayaa looga hadlay Amniga Guud ee dalka iyo Dib-u-habeynta Hannaanka iyo Maamulka dowladnimada casriga ah.

Sidoo kale, Golaha ayaa ka dhageystay Wasaaradaha Amniga Gudaha iyo Gaashaandhigga warbixin ku saabsan amniga dalka iyo guulaha laga gaaray xoreynta iyo xasillinta dalka.

Golaha ayaa iyaguna bogaadiyey guulaha wax ku oolka ah ee ay ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed ka gaareen dagaalka lagula jiro Al-Shabaab, iyada oo jab xooggan lagu gaarsiiyey howlgallo qorshaysan iyo dagaallo guulo laga gaaray oo laga fuliyey qaar kamid ah gobollada dalka.

Ugudambeyn, Golaha Wasiirrada ayaa loo soo bandhigay Habka Maareynta Waxqabadka iyo Adeeg Siinta Bulshada oo wax badan kusoo kordhin doona isbeddelka qaybaha dowladda, sida hoggaaminta toosan, maamul-wanaagga iyo hirgelinta istiraatijiyadaha u horseedi kara Soomaaliya horumar dhaqan-dhaqaale oo deg-deg ah.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News