MUQDISHO (KAAB TV) – Ugu yaraan hal ruux ayaa ku dhintay, shan kalana way ku dhaawacmeen qarax maanta barqadii ka dhacay Suuqa Xoolaha ee magaalada Jowhar.
Daahir Maxamed Kaanti oo ahaa sarkaal ka tirsan maamulka degmada Jowhar ayaa la xaqiijiyay inuu ku dhintay qaraxa oo haleelay baabuur uu la socday, sida ay sheegeen saraakiisha amaanka.
Dsdka dhaawacmay ayaa la sheegay inay isugu jiraan dad rayid ah oo ka dhowaa suuqa xilliga uu qaraxu dhacayey iyo askar la socotay baabuurka qaraxu haleelay oo ahaa nooca Cabdi Bilaha loo yaqaano.
Qaraxa oo ahaa miino ayaa la sheegay in lala beegsaday sarkaalka oo xilligaasi meesha marayey.
DEG DEG: Qarax ayaa ka dhacay suuqa xoolaha ee magaalada #Jowhar.
Wararka hordhaca ayaa sheegaya in xilliga uu qaraxu dhacayey uu goobta marayey baabuur nooca ciidamadu ay raacaan ee Cabdi Bilaha loo yaqaano.
Weli lama oga khasaaraha ka dhashay. pic.twitter.com/lGxRNdocUj
— Kaab Somali TV (@KaabTV) July 22, 2023
Suuqa xoolaha ee magaalada Jowhar ayaa ah mid aad u mashquul badan maalinta Sabtida maadaama dadka reer miyiga ay keenaan xoolo badan oo halkaasi lagu kala iibsado. Waxaana qaraxu uu dhacay xilli ay jirtay saxmad badan oo suuqa ka jirtay.
Xubno ka mid ah maamulka degmada Jowhar ayaa goobta gaaray markii uu qaraxu dhacay ka dib hase yeeshee lama sheegin wax tallaabo ah oo ay qaadeen.
Kooxda Al-Shabaab ayaa beryahan danbe kordhisay weerarada qaraxyada ee ay ka geysaneyso deegaanno iyo gobollo ka mid ah dalka.